Madaxweyne wacad ku maray inuu carruurtiisa u dirayo furinta dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Chechnya, Ramzan Kadyrov.

Madaxweynaha Chechenya, oo ah jamhuuriyad ka tirsan Ruushka, ayaa sheegay in dhawaan sadex carruur ah oo uu dhalay, oo da’adooduna kala ah, 16, 15 iyo 14 uu u diri doono furinta dagaalka Ukraine, si ay ugua garab dagaallamaan ciidamada Ruushka.

Ramzan Kadyrov, ayaa loo arkaa inuu yahay nin ay aad isugu dhowyihiin madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, inkastoo uu dhawaan dhaliilay hogaanka ciidanka Ruushka.

Kadyrov, ayaa baraha uu bulshadu ku leeyahay ku sheegay, in ninka ragga ah ay tahay inuu ilmihiisa baro, sidii ay u badbaadin lahaayeen qoyskooda, dadkooda iyo dalkooda.