Madaxweyneyaasha & Muslimiinta kale ee dunida ugu saameynta badan?

Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka.

laba qeyb ayaa loo kala saaray.

1. Hoggaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta

 2.Aqoonyahannada iyo culimada

Dadkan ayaa saameyn ku leh arrimaha bulshada, warbaahinta, sayniska, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Liiska ayaa waxaa qaybta kowaad kaga jira Boqoka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa qaybta labada ku jira halka  Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu yahay qofka saddexaad.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna ah qofka afaraad, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa ku jira lambarka sideedaad ee liiskaan.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa nambarka tobnaad ah, Joko Widodo, madaxweynaha Indonesia, oo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa ah qofka 15-naad ee dadka ugu saameynta badan caalamka.

Liiska ayaa lagu sheegay sidoo klae dad kale oo ay ku jirto haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Tanzaaniya Samiya Suluhu Xassan oo ah lambarka 38.

 Saamiya Suluhu Xasan, madaxweynaha Tanzaniya

Saamiya Suluhu

Samiya Suluhu Xasan waa madaxweynaha dalka Tanzaniya, waxayna xilka qabatay kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii iyada ka horeeyay John Magufuli bishii Maarso sanadkii  2021-ka. Waxay noqotay qofkii ugu horeyay ee dumar ah oo taariikhada qabta xafiiska ugu sareeya dalkaas. Sidoo kale waa madaxweynihii labaad ee ka soo jeeda Zanzibar.  Cali Xasan oo isna ka soo jeeday Zanzibar ayaa xilkaan ugu horeyay Samiya wuxuuna dalka hoggaaminayay muddo 10 sano ah lag asoo bilaabo 985-tii ilaa1995-tii.

Muhammadu Buhari madaxweynaha Nigeria

Buhari

Muhammadu Buhari wuxuu xilka madaxtinimada ku guuleystay markiisii labaad bishii febaraayo sanadkii 2019, wuxuuna xilligaa murashixii la tartmayay kaga guuleystay in ka badan saddex milyan oo cod. Liiska la soo saaray ayuu kaga jiraa Lambarka 17. Inta uu xilka hayo wuxuu qaaday tallaabooyin uu kula dagaallamayo musuq-maasuqa iyo wax isdaba-marinta.

Madaxweyne Buhari waxa uu u tartamay doorashadii madaxtinimo ee 2003, 2007 iyo 2011, isaga oo noqday musharraxa mucaaradka ugu weyn, iyadoo dhamaan tartamadaasi ay ku dhamaadeen guul-darro, ka hor intii aanu guulaysan 2015-kii.

Muslimiinta ku nool woqooyiga Nigeria waxa ay u arkaan nin aad u neceb laakiin waxa uu ixtiraam ka haystaa qaranka sababtoo ah mawqifkiisa musuqmaasuqa.

Maxamed Saalax

Maxamed Saalax

Maxamed Salah waa cayaaryahan u dhashay dalka Masar oo heer caalamiya waana cayaaryahan caan ka ah dunida kubadda cagta, wuxuuna liiskan ka galay lambarka 39-aad.Wuxuu dhashay  15-ka bishii Juu,1992-dii.

Saalax ayaa xirfadiisa kubadda cagta ka soo bilaabay horyaalka Masar sanadkii 2010 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Switzerland, England, Italy ka dibna dib ugu soo laabtay England.

Saalax ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu guulaha badnaa xirfadiisa ciyaareed ku qaatay kooxda Liverpool 2017/18. Wuxuu ku guuleystay abaal-marinno badan.Waxa uu sidoo kale ka caawiyay Masar inay u soo baxdo Koobka Adduunka.

1: Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis

Boqor Salmaan

Ururka RABIIT ayaa Boqor Salmaan ku daray liiska Muslimiinta ugu saamaynta badan caalamka.Boqor Salmaan waa boqorkii toddobaad ee Sacuudi Carabiya, wuxuu xukunka qabtay Janaayo 2015.

 Ururka RABIIT ayaa qoray in Boqor Salmaan uu saameyn weyn ku leeyahay dalalka Carabta.

 Maka iyo Madiina waa labo magaalo oo barakeysan kuna yaalla Sacuudiga, halkaasoo malaayiin Muslimiin ah ay booqdaan sanad walba si ay u soo gutaan waajibaadka xajka. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh adduunka dhanka sahaminta shidaalka.

 2: Ayatollah Cali Khameyni

Ayatollah

Ayatollah Cali Khameyni waa lambarka labaad ee liiskan.Khameyni waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Iran.Ayatollah Khamenei waa shaqsigii labaad ee ilaa hadda loo doorto xilkan.

4: Recep Tayyip Erdogan

Recep Tayyip Erdogan

Recep Tayyip Erdogan wuxuu ahaa madaxweynaha Turkiga 11 sano. Erdogan ayaa ku guuleystay doorashooyinkii 2002, 2007 iyo 2011 isagoo helay codad aqlabiyad ah.

Erdogan ayaa madaxweyne loo doortay sanadkii 2014-kii. 2018, wuxuu sidoo kale mar labaad noqday madaxweyne. 1994-tii ayuu Erdogan noqday duqii ugu horeeyay ee Muslim ah oo muxaafid ah.Ka dib markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Turkiga markii ugu horeysay 2002, Erdogan wuxuu ku yiri wareysi uu siiyay New York Times, “Waxaan ahay Muslim ka hor wax kasta. Muslim ahaan, waxaan raacayaa diintayda.