Madaxweynihii Sanduuqa & Warqadda kursiga lagu saaray laga yaabee inaanu Sanduuq & Warqad aanu kaga degin Kursiga ee si kale ku banayn doono……Siyaasi Cali Guray

Madaxwaynaha iyo xisbiyada mucaaridka waxa looga fadhiyaa wax cad oo heshiis ay ku yihiin. Suasha koowaad ee hor taal bal wixii kaleba ha dambeeyaane waa labadan doorasho sida ay u soo kala horaynayaan. Hadii aanay jawaab u hayn ay heshiis ku yihiin kulamo madhalays ah dadka yaanay ku wareerin xal ma jiro eh waa xal la’aan arinkuye. Sida aan u arko fursadda xal iyo xal laantuna waa fifty fifty. Hadii ay Allah kama dhigo eh xal laanta u dhacdo laga yaabaa in filimkii Somaliland la gaadho THE ENDkii oo aan doorasho dambe ka qabsoomin dalka.
Markaa Madaxwaynihii sanduuqa iyo warqadda kursiga lagu saaray laga yaaba in sanduuq iyo warqad aanu kaga degin ee si kale ku banayn doono ama iskaga fadhiyi doono inta uu nool yahay.Mana jiro qof shan farood iyo calaacal ku xejisan kara kursiga. Weliba marka xalka keliya uu garanayaa noqdo in uu miciinsado xadhig iyo xabbad hadii aan sida uu doonayo loo yeelo. Go’aankuna waa beri sida la filayo la filayo hadii Allah yidhaa
May be an image of 8 people