Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay

Gotabaya Rajapaksa

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Ninkan 73 jirka ah ayaa gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas (22:00 GMT), sida ay xogta ku heshay BBC.

Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wuxuu ku jiray dhuumaaleysi kaddib markii dad badan ay Sabtidii xoog ku galeen gurigiisa.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu is casilayo Arbacada 13-ka July.

Walaalkiis, wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Mareykanka.

Iyadoo warka bixitaanka madaxweynaha uu qabsaday dalkaas, ayaa waxaa is qabsaday mashxarad iyo dabaal deg ay sameynayaan dadkii dibad baxayay.

Xalay kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay beerta Galle Face Green, oo ah goobta ugu weyn dibadbaxa ee caasi,adda, Colombo.

Habeenkii talaadada, kumaan qof ayaa ku sugaysay beerta in uu is casilo madaxweynaha.

Muddo bilooyin ah waxay la daalaa dhacayeen korontada oo si maalinle ah loo jaro iyo gabaabsiga waxyaabaha aasaasiga ah sida shidaalka, cuntada iyo daawada.

Madaxweynaha oo ku naaloonaya xasaanad inta uu xilka hayo, ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay inuu dibadda u baxsado kahor inta uusan talada banneyn si uu uga fogaado suurto galnimada ah in uu xiro maamulka cusub.

Sri Lanka: Macluumaad aasaasi ah

· Sri Lanka waa dal jasiirad ah oo ku yaalla koofurta Hindiya: Waxay xornimada ka qaadatay Britain sanadkii 1948. Saddex qowmiyadood oo kala ah – Sinhalese, Tamil iyo Muslimiin – ayaa 99% ka ah bulshada dalkaas ee gaareysa 22-ka milyan.

· Walaalo hal qoys ka soo jeeda ayaa muddo sanado ah talada dalkaas hayay: Mahinda Rajapaksa ayaa sanadkii 2009 bulshada Sinhalese ka noqday geesi kaddib markii dowladdiisa ay ka guuleysatay goonni u goosatadii Tamil kaddib sanado uu socday dagaal sokeeye oo qaraar dhiigna uu ku daatay. Walaalkiis Gotabaya, oo xilligaas ahaa xoghayaha gaashaan dhigga, haatan waa madaxweyne balse wuxuu sheegay inuu is casilayo.

· Awoodaha madaxtinnimo: Madaxweynaha waa madaxa dalka, dowladda iyo militariga Sri Lanka balse awoodo badan oo sare lama wadaago raysal wasaaraha, oo madax ka ah xisbiga talada haya ee gudaha baarlamaanka.

· Haatan xasarad dhaqaale ayaa horseedday dibadbaxa waddooyinka: Sicir bararka ka sii daraya ayaa la micno ah in cunnooyinka qaar, shidaalka iyo daawada ay gabaabsi yihiin, waxaa jirta koronto la’aan dadka caadiga ah ayaana iyagoo careysan waddooyinka isugu yimid iyadoo badankood ay xaaladda ku eedeynayaan qoyska Rajapaksa iyo dowladdooda.

Guul weyn oo u soo hoyatay dibadbaxayaasha

Anbarasan Ethirajan, BBC News, Colombo

Maxaysharaf dhac u tahay Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa – oo muddo dheer nin weyn ka ahaa Sri Lanka.

Dad yar ayaa filayay in xaaladdu ay sidan ahaan doonto.

Isagoo ahaa madaxii hore ee gaashaandhigga wuxuu horkacayay howlgallada militari ee dagaalkii lagu muransanaa ee mucaaradkii Tamil Tiger kaasoo soo afjarmay 2009. Waxaa lagu eedeeyaa tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii uu socday dagaalka iyo beegsashada kuwa ka soo jeeda qowmiyaddaas, balse mar walba wuu beeniyaa eedeymahaas.

Qoyska Rajapaksa ayaa 20 sano heystay xukunka Sri Lanka, iyagoo taageero xooggan ka helayay qowmiyadda Sinhala ee heysata diinta Buddhism-ka ee ugu badan dalkaas, wuxuu madaxweyne noqday sanadkii 2019.

Bixitaankiisa ayaa guul weyn u ah dibadbaxayaasha isugu yimid waddooyinka si ay u muujiyaan carada ay ka qabaan maamul xumada dhaqaalaha iyo maciishadda qaaliga ah.

Tegitaanka madaxweynaha ayaa sidoo kale qalqal gelineysa dalkaas Sri Lanka, oo u baahan dowlad shaqeyneysa oo gacan ka geysata wax ka qabashada dhaqaalaha.

Siyaasiyiinta axsaabta kale ayaa ka hadlayay dhismaha dowlad midnimo oo cusub balse ma jiro wax muujinaya inay u dhow yihiin inay heshiis gaaraan. Sidoo kale ma cadda in bulshadu aqbali doonto waxay la yimaadaan.

Sida uu dastuurku qabo, waa raysal wasaaraha, Ranil Wickremesinghe, qofka laga rabo inuu ku simo madaxweynaha haddii uu is casilo. Raysal wasaaraha ayaa baarlamaanka looga arkaa inuu ku xigeen u yahay madaxweynaha.

Si kastaba, Wickremesinghe ma aha nin caan ah. Dibadbaxayaasha ayaa Sabtidii dab qabadsiiyay gurigiisa gaarka ah – isaga iyo qoyskiisa gudaha kuma aysan jirin – wuxuuna sheegay inuu is casili doono si uu waddada ugu xaaro dowlad midnimo, balse waqti muusan qaban.

Taasi waxay u suurto gelineysaa guddoomiyaha baarlamaanka inuu noqdo qofka xiga ee ku simaha noqonaya, sida ay sheegayaan khubarrada dastuurka. Balse Mahinda Yapa Abeywardena wuxuu saaxiib dhow la yahay qoyska Rajapaksa,mana cadda in dadweynuhu oggolaan doonaan xukunkiisa.

Cid walboo noqota ku simaha madaxweynaha waxay heysataa 30 maalmood oo ay doorasho ku qabato si madaxweyne cusub loo helo oo ka soo baxa gudaha baarlamaanka. Qofka guuleysta ayaa sii dhammeystiri doona inta xilka uga hartay Rajapaksa oo ah ilaa dabayaaqada 2024.

Isniintii, hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Sajith Premadasa ayaa BBC-da u sheegay inuu isu sharxi doono madaxtinnimada. Balse wuxuu la’yahay taageerada shacabka waxaana jirta shaki guud oo ay dadku ka qabaan siyaasiyiinta.

Dhaqdhaqaaqa Sri Lanka gaarsiiyay isbeddelkana uma muuqdo mid daneynaya hoggaanka dalkaas.