Madaxweynihii ugu mushaarka badnaa Afrika oo doonaya in guri loo qaaraamo

Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.

Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii heesashada taageerayaasha kooxdaan. 

Markii uu soo baxay mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq. 

Sidoo kale waxaan baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay. 

Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.

Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).

Waxaan sidoo kale ogaanay lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay.

Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo bil kasta Account-kiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar, taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar. Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu sidoo kale bil kasta uu qaadan jiray Madaxweynaha hadda Xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud intii uu mucaaradka ahaa.

Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan ku ogaanay in mudo xileedkii hore ee Maaxweyne Xasan Sheekh uu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay Farmaajo.

Mushaarka Xasan Sheekh ee xiligaas iyo ka dhan dhammaan Madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda hal mar ayaa la jaangooyay, waxaana la marsiiyay baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay. 

Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta Farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka, sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta muusaaniyadda dowladda, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaatay lacag sharci-darro ah.

Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweynayaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika. 

Inkastoo Kooxda Farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka Madaxweynaha, ayaa hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha qaabilsan maamulka miisaaniyada Soomaaliya, waxay cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha ugu Mushaarka badan Qaarada Afrika, islamarkaana sanadkii uu Soomaaliya ka qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar. 

Kaalinta labaad waxaa ku jira Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya – oo qaata $620,976, Halka saddexaadna uu ku jiro Boqorka Dalka Morocco  King Mohammed – kaas oo mushaar ahaan u qaata Sanadkii $488,604.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika shantii sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?