Writen by Qaran News |

Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar
Bullo-xaar nabdoonaa
Badeeduna qurxoonaa
Bulshadeedu wacanaa
Ninkii maalin bookhdaa
Bilo kama go,aayee
Runtii wuu u bogayaa.
Maxamed Miyir (AHUN)
Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka ay u jirto caasimada Hargeysa 136 KM. Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala xeebeedka Bullo-Xaar.
Taariikhdii hore ee magaalada Bulaxaar
Magaca Bullo-xaar oo lagu kala aragti duwan yahey halka uu ka yimi iyo sida uu ku baxay. Axmed Cali Gaydh oo kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay dugsigii Bullo-xaar wuxu yidhi “magacu wuxu ugu baxay ceelkan biyaha dhanaan ee Bullo, Bullo-xaar waxa loogu bixiyey geelu markuu qalamawdka daaqo ee uu biyahaa dhanaan cabo ee uu ka soofo waxa uu samaystay wado “xaarka” layidhaa oo u baxda dhankaa salal. Markaa magacani wuxu ka sameysmay biyahaa qadhaadh ee Bullo-xaar.” Guddomiyaha Magaalada Bullo-xaar isagu wuxu yidhi “anuu sidaan ku maqlay waa Bullo oo ah biyaha adag, Xar na waa kalmad carabiya oo ka dhigan kuleyl markaa waa Bullo-xar”.
Madaama bulsho ahaan qoraalku inagu yaraa waayadii hore ma jirto cid saxaysa taariikhda dhabta ah ee Bullo-Xaar aasaasantay. “waa taariikh hore oo ilaa wakhtigii cusmaaniyiinta ah, waa ilbaxnimo hore waxan ku qiyaasayaa in ay tahey ilaa iyo 1800 oo inbadan bay ka horeysay qeybsigii Afrika.” (Maxamed, 2017). “magaaladaasi waxay ka aasaasantay Berbera horaantii 1850 kii, dagaalo sokeeye oo ka dhacay Berbera dad kasoo guuray baa aasaasay Bullo-xaar, aadbay u camirantay oo Hindibaa timi, Carabaa timi sidaasay ku camirantay Bullo-xaar.” (Gaydh, 2017). “waxa ku taal Aasaar fara badan oo aad arkayso in cid inaga horeysay oo Somalida ka duwanayd oo ka ilbaxsanayd aasaastay, cidaasina waxay ahayd cidii u horeysay ee Bullo-xaar maamul ka noqota oo ahayd Turki, waayo waxa ku yaala jeelashii oo dunsan oo haddana qabcadahoodii yaalaan & meelihii dadka lagu daldali jiray. Dhismayaal qadiimiya oo wali imika hadaad tagto aad arkayso in ay dhisan yihiin. Asaartaasi waxay noqon karaan ilaa 1800.” (Ibraahim, 2017).
Taariikhda magaalada Bullo-xaar sida aynu arkayno ma aha mid laysku raacsan yahey, lakiin waxa ka cad hadalada dadka la waraysanayo in ay ka horeysay wakhigii qeybsigi Afrika, oo ay iska danbeeyeen maamulo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: dawladii Cusmaaniyiinta, Masaari, Turki & Ingiriis. “ganacsatii waaweynayd ee ka ganacsan jirtay Magaalada Bulaxaar oo aan ka xasuusto X. Axmed Ildab & rag kale oo imika dhintay ayaa aasaasay magaalada Hargeysa.” (Maxamed, 2017)

“Guryahan waxa lagu dhisi jiray dhagaxaan, Sonkor & Nuurad. Dhulka xeebta ah milixdaa cunta dhismayaasha waadiga arkaya wali way taagan yihiin.” (Maxamed, 2017).
Madaama ay magaaladu ahayd magaalo ganacsiyeed waxa ku taalay dakad yar oo ay doonyuhu kusoo xidhan jireen oo loo jeexay gacan, gacankaaso oo ku aadanaa dooxa waaheen intiisa u galbeedaysa.

Dakadaas oo laf dhabar u ahayd isku socodka ganacsi oo wax ka dhoofi jireen waxna ka soo dagi jireen. ”maalin walba waxa dhinac walba kasoo galayey ilaa 500 oo awr ayuu aabahay yidhi, waxay keeni jireen waxyaabaha ay ka midka yihiin Fooxa, Malmalka, Muqumada, Baalgoreyga, Subaga IWM, halka ay doonyuhuna keeni jireen Timirta, Dharka, Sonkorta & agabka dadku istimcaalo oo laysku badalan jirey. Odeyadu waxay yidhaahdeen waxay magaaladu si degdega ugu camirantay waxay suuq u ahayd dhulkan galbeedka oo aad dadku aad u camiran yahey ilaa Etoobiya ayey suuq u ahayd.” (Gaydh, 2017)
Haddaba magaaladani sidii ay u camirnayd ayaa markaliya laga kala yaacay, maxaa sababay baa,bii magaalada Bullo-Xaar? Xilim ayey se ahayd goorti laga guuray magaaladani. “Dagaalkii koobaad 1aad ee aduunka 1914kii, bad xidhankii ayaa baabi,iyey, waxa u raacday abaar aad uxun xun baa ka dhacdey 1920-1922kii ayaa sababay. Markii danbana Hargeysa ayaa aasaasantay.” (Gaydh, 2017). “dagaalkii 2aad ee dunida ayaa bilaabmay xiligaa Bullo-xaar baaba’eedu kama horeyn 1939 ka bilaw waxa istaagay isu socodkii ganacsiga. Wadooyinkii baa go,ay markaa dadkii waa ka guureen.” (Ibraahim, 2017)
Magaalada Bullo-xaar waxay wakhtiyadii dhexe caan ku noqotay wax barashada, iyada oo laga hirgaliyey 1964 kii iskuul ardeydu dagto (Boarding school) kaas oo kamid noqday dugsiyada noocan ah kuwii hir galay soona saaray ardey badan. Halkaas oo ay ardeydu aad ugu soo dhismi jirtay. “waan xasuusanahay caruurta waxa la siin jiray maalina hilib Riyaad maalina kalluun, ilma walbana waxa lasiin jiray koob caano ah. Cuntadaa dheeliga tiran leh waxay sababtay in maskaxdoodu aad bay u koraysaa, aasaaska ayey waxbarashadu ka dhisantaa, haddii aasaasku wanaagsanaado inta kalena way la wanaagsanaanaysaa” (Maxamed, 2017). Waxan ka mid ahaa ardeydii wax ka baratey Dugsiga (boarding) ka ahaa ee magaalada qadiimiga ah ee Bullo-xaar, waxa jiray afar fasal uunbuu ahaa iskuulku, waxaana u sareeyay fasalka afraad. Waxa kasoo baxay ardeyda ugu wanaagsan guud ahaan dalka dugsigan” (Ibraahim, 2017) .

Sidoo kale Bullo-xaar waxay caan ku ahayd beertii Timirta oo uu aasaasay Ingiriisku 1948kii, beertaas oo ay tiradeedu gaadhay ilaa 10,000 oo geed oo markii danbe dalka dibadiisa loo dhoofin jiray. Beertaasi waxay baaba,day 1988-1991kii wakhtigii dagaaladu ka socdeen wadanka. Balse waxa ay maamulka Bullo-xaar iyagoo la kaashanaya wasaaradda Horumarinta beeruhu dib u bilaabeen beertii Timirta. Si uu mashruucaasi u hirgalo waxa uu deegaanku u baahanyahey in gacan laga siiyo si uu noqdo mashruuc balaadhan oo ku filnaada dalka lana dhoofiyo mustaqbalka.

Masnooyinka Bullo-xaar
Bullo-xaar waa magaalo xeebeed leh bad aad u nadiif ah oo kusoo baxaysa dalxiiska iyadoo ay u waheliyaan raadadka taariikhda faca weyn leh ee ay leedahay, waa magaalo dalxiiseed qurux badan dhan kastoo loo dhigaba. Sidoo kale badda Bullo-xaar waxa ay hodan ku tahey noocyada kala duwan ee Kalluunka oo meel dhaw laga soo jillaaban karo.
Bullo-xaar waa meel beero laga beeri karo oo waxa mara dooxa weyn ee Waaheen, dooxaasi oo ay iskugu yimaadaan dooxyo badan, dabadeedna halkaa uu kaga darsamo badda.
Halkuu dooxa waaheen bad waqooyi kaga daro
Waadigu hakula tago walahaan kugu raran
Axmed Cali Cigaal & Khadra Daahir

dooxaasi oo biyihiisa looga faa,iideysan karo beero & meesha oo ah carro san ay si fudud waxyaabo badan uga bixi karaan biyaha badan ee badda iskaga darsamayana ay u baahan yihiin in la xidho si abaarahan soo noqnoqonaya looga hortago.
Sidoo kale deegaankani wuxu caan ku yahey dhaqashada xoolaha kala duwan sida Geela & Adhiga oo ay jiraan meelo aan Adhiga & Geela midna meel fog loo daaqgeyanayn ee ay kambalka reerka baad & biyaba ka helayaan. Meelahaa waxa ka mida dooxaada Wiriir. aan ina xasuusiyo muuqaal qurux badan oo ay ina tusaysay hees uu sameeyay Xasan X.Cabdillahi (ganey) oo uu qaado Xasan Aden Samater.
Dalsankii Wiriiroo
Xili roobku di,I jirayeey
Dambarsamuhu ku onkoday
Darantuna ugbaad tahey
Oo ramadku dayr dhalay…
Waxa kale oo uu deegaankan & deegaano kale oo u dhaw ay caan ku yihiin geedka loo yaqaan Kullanka oo afka ingiriisidana lagu yidhaa (Argan), geedkaas oo siyaalo farabadan looga faa,iideysto. “Geedkan saddex noocbaynu uga faa,iideysanaa intaan ogahay. Mar waa la Dhuwamaa inta la dubo ayaa la cunaa, marna waa la qalajiyaa oo beerkiisa ayaa saliid laga sameeyaa, marna waa la kariyaa oo cunto ahaan ayaa loo isticmaalaa.” (Maxamed, Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar, 2016)
Geedka Kullanka oo midhihiisa laga sameeyo saliid aad u qaaliya & shaambooyo, waxa caan ku ah wadanka Marooko oo aad uga faa,iideysta sheegtana in uu wadankooda oo kaliya ka baxo. Geedkani wax daryeela kuma haysto deegaanka uu kuyaal cidina ma beerto, waxa uu u baahanyahey in la tarmiyo oo beero waaweyn laga sameeyo wax soo saar & warshadayna laga bilaabo.
Sidoo kale waxa deegaanka ka baxa geedka loo yaqaan Xudhuunka oo ah geed ay geelu daaqaan, geela daaqa geedka xudhuunka caanihiisa afkaa ka qaadi maysid. Dadka yaqaanaa waxay ku odhanayaan geel Xudhuun daaqay caanihiisa isoo lis.

Iskusoo wada duuboo way yartahay in aduunka gabi ahaantiisba meel kaliya laga wada helo Beerihii, Xoolihii, Kalluunkii, Dooxyadii & waliba Quruxdaa dabiiciga ah ee bad & banaan ba leh. Waa nimcooyin badan oo is barkan isla jeerkaasna dihin.
Duruufaha yaala magaalada Bullo-xaar
Kollay duruufo fara badan waa ka jiraan goobtaa sidaan kusoo arkay ee aan ka wareystay dad xog ogaal ah oo deegaanka degan balse kuwa ugu sii waaweyn ee ay aad uga cabanayaan waxa ka mid ah
Geedka Garanwaaga
Magaaladan waxa aad u hadheeyay geedka “Garanwaaga” aynu u naqaano, afka ingiriisadana lagu yidhaa “Prosopis julifora” oo runtii aad ugu fiday wadanka gabi ahaanba, geedkan oo lagu sheego geedaha aan deegaanka u wanaaganayn isla jeerkaasna la dagaalama dhirta kale ee deegaankaa ka baxda. 1960 kii waxa lagu ogaaday geed ku yaalay saxaraha Arizona in xidadiisu ay hoos dhulka u gaadheen ilaa 53 Mtrs. Taasi oo ka dhigaysa geedkan geedaha ugu xididka fog, isla markaana uu meel fog oo dhulka hoostiisa ah ka doonan karo biyaha, taasina ay keenayso in uu geedaha kale ka adkaysi badnaado (Phillips, 1963).
Sidoo kale geedkani waxa uu bixiyaa siidh maalaayiin noqonaya taasi oo xooluhu markay daaqaan ay gaynayaan meelo fogfog amaba dabayshu qaadayso oo uu aad ugu fidayo deegaankii isla wakhti yar gudihiina uu ku baxayo.
Haddaba geedkan ayaa qariyey in badan oo kamid ah magaalada Bullo-xaar gaar ahaana dhismayaashi duuga ahaa ee taariikhda & tixraaca laga sameynayay kuwaas oo haddii aan waxba laga qaban dhawrka sanno ee soo socda gabi ahaanba uu qarin doono geedkaasi.
Biyo Qadhaadh ama Adag
Magaaladan nolosheeda waxa adkeeyay biyaheeda oo ah kuwo adag ama qadhaadh sidii aynu ku haynay magaca Bullo oo ah biyihii adkaa ama qadhaadhaa. Biyahaasi oo ay adagtahey in ay dadku u adeegsadaan cabitaan. Waa caqabadaha u waaweyn ee haysta magaaladan.
Adeegyada aasaasiga ah
Bullo-xaar way leedahay goob waxbarasho oo hoose/dhexe, xarunta dhalaanka & hooyada, saldhig balse uma dhamaystirna amaba ma gaadhsiisna heerkii loogu talo galey. Xanaanada Bullo-xaar waxa ay u shaqeysaa deegaano u jira ilaa 50 Km haddana malaha Umblance.
Soo Jeedin
Magaaladani waxa ay leedahay khayraad badan oo wadanka dhaqaalihiisa wax ka badelli kara haddii si cilmiyaysan looga hawlgalo, qorshe wax ku ool ahna loo dajiyo.
Waxa aan soo jeedin lahaa in daraasad cilmiyeed laga sameeyo xaalada dhabta ah ee magaaladan isla markaana la maal galiyo lagana hirgaliyo mashaariic beereed waaweyn, madaama biyo xaddigoodu badanyahey ay keenaan dooxyada deegaanka mara, sidoo kalena laga faa,iideysto kalluunka badan ee badda ku yaal. Dalxiiska kor loo qaado oo la maalgaliyo. Mashaariicdaasi waxa ay saameyn ku yeelan karaan guud ahaanba dhaqaalaha wadanka, waxa laga yaaba in ay hoos u dhigaan shaqo la,aanta baahsan ee aynu ka cabano.

Hibo Ciise Maxamed
hibafaakhir@gmail.com

References
Gaydh, A. C. (2017). Arday wax ka baran jiray Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Ibraahim, C. (2017). Ardeydii wax ka baratey Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Maxamed, I. X. (2016, November). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (C. Hereri, Interviewer)
Maxamed, I. X. (2017). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Phillips, W. S. (1963, April 01). Depth of Roots in Soil.