Magaaladda Borama ayaa hada ku naaloonaysa xasilooni iyo nabad buuxda iyada oo wax waliba ay caadigoodii ku laabteen.

Waxa si rasmi ah loo furay goobihii ganacsiga iyo isu socodkii magaaladda kadib rabdhadihii lama filaanka ahaa een ka qarxay magaaladaadi oo af kala qaad ku noqotay dhamaan shicibka reet Somaliland oo dareen walaaalnimo u muujiyay reer Borame iyo sidoo kale madaxweynaha Somaliland oo la dareen noqday shicibkiisa sheegayna in aanu ogolayn dhiiga dadkiisa oo daata.

Waxana ay Xukuumaddu galaysaa baadhitaan rasmi ah sidii wax u dhaceen.