Maleeshiyaad ka soo goostay Laascaanood oo Isu soo Dhiibay Ciidanka Qaranka
Burco,(Qaran news)-Maleeshiyaad ka jeeda beesha Hayaag ee gobolka Sool ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay Oog, gaar ahaana ciidamada Gen. Mahad Can alaashe.
Waxa la noo xaqiijiyay in maleeshiyaadkaas oo tiradoodu tahay 30 xubnood iyo hubkoodii la soo dhaweeyay isla markaasna lagu wareejiyay Gen. Mahad Canbalaashe.
Ma jiro wax war oo ciidanka Qaranku ka soo saaray arrintan, waxase noo xaqiijiyay dad kala duwan oo degan agagaarka Oog.
Waxana ay wararku sheegayaan in hada deegaa ka bariga Sool ay isaga baxayaan ciudamadii ka soo jeeday Puntland, waxana ay wararku sheegayaan in ciudamada ku sugan deegaanka Laascaanood uu ka dhex jiraan khilaafyo aan wali badankoodu ayna dibada u soo bixin xaga dhowr cisho ka hor ay xagaasi ku dagaalameen laba beelood oo ka soo wada jeeda Puntland dagaalkaasi oo gaystay khasaare balaadhan.