Mar haddii qabyaalad laga fursan waayey, waxaan u tartamayaa musharaxa gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo musharaxnimadiina wata

Anigu ma ihi mujaahid bello ka dhacday oo u baalku ka taagan yahay sida abtigay, mana ihi xeel dheere siyaasadeed oo hor jooge u ah gacan tana ku haya kudlad ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland sida inaadeerkay. Arrinku si kasta ha ahaadee, waxaan ka codsanayaa gudoomiye Saleebaan Nuur iyo tobanka gudida ah ee xildhibaan iyo guurtida isugu jira ee hawshan culus loo igmaday inay soo xulaan doona magacaa baana gudoomiyaha Xisbi weynaha Kulmiye ee JSL, sababahan soo socda awgood. Anigu waxaan ahay nin aragti fog oo qabyaalada ku salaysan iyo hiigsi qoto dheer ay aragtidiisu tahay.

Aniga haddii la doorto jagadaas gudoomiyenimada waxaan bedeleyaa magac Somaliland oo waxaan u bixinayaa Barakoland, muwaadiniinta reer Somalilandna waxa loo bixinayaa Jano-sugayaal, wayba yihiine.

Run ahaantee waxa Somaliland waalay oo maankii ka qaaday waxaynaan aqoon u lahayn oo la yidhaahdo dimuquraadiyad oo ay gaalo iyo dad aan biraysnayni inoo soo waarideen, si la innoo mijaro habaabiyo oo qabyaaladeenan aynu ku soo cawo iyo caanoba maalnay ilaa Xaawa iyo Aadan la innoogaga burburiyo. Miyaan la innagu odhan oo Quraanka Ilaahay innoogu sheegin “ Waxaanu idiinka yeelnay dad-yow iyo qabiilooyin kala duduwan si aad isugu garataan”, hadaba gaaladu ma waxay innagu leeyihiin arrinkaas Ilaahay Quraanka innoogu sheegay iska ilaaba oo qabyaalada ka taga, bal khiyaamadaas daya. Anigu aragti ahaan waxaan qabaa inaynu dadkeena barna uun laba arrimood oo kala ah diinteena iyo qabyaaladeena, waayo hadaynu labadaas ku ekaano horuumar innaga maqani ma jiri karoba. Jaamacadaha waxa imminka lagu dhigo looma baahna, sababtoo ah waa manhajyo khaldan oo aanay Janno-sugayaasha reer Somaliland u bahnayn. Dugsiyada hoose, dhexe, sare, iyo jaamacadahaba waxa keli ee lagu baran doonaa waa qabyaalad, waxaana macalimiin iyo profisooro ka noqon doona madax dhaqameedyadeena ay ka mid yihiin cuqaasha, garaadada, boqorada, iyo salaadiinta. Waxaana lagu siin doonaa mushahaarooyin iyo gunooyin fiican si aynu u gaadhno farsamooyinka tiknoolojiyada iyo culuumta sayniska ee adduunka lagu maamulo aqoon la jaan-qaada karta, innagoo qabyaaladeena uu Ilaahay innagu manaystay oo keliya isticmaalayna. Waxaynu soo saaraynaa aqoonyahanno uu adduunka oo dhami innagu ma jeerto. Waxaynu ognahay inay ummadaha reer galbeedku innoogu faanaan dayaxa ayaan tagnay iyo meerayaasha kale ayaanu sahaminaynaa, laakiin waxaanay ogeyn inaynu ka hor mari doono innagoo isticmaalayna aqoonta cusub ee qabyaaladu innoo horseedi doonto, sida innagoo noqon doona ummada keliya ah ee Qoraxda u dirta dayax-gacmeed, waayo innagu waxaynu dayax-gacmeed keena cirka u diri doonoa goor ay qoraxdu habeenimo ku jirto ama ay innaga habeenimo inoo tahay. Waa aqoon aan horay loo arag oo ay horseed ka noqon doonaan khubarada Machadka sayniska iyo qabyaalada ee Somaliland. Hadaynu intaas ku dhaafno aqoonta iyo sayniska qabyaalada, waxa iyana jirta inuu dad keenu yahay dad ku nool dal hawo fiican leh oo qorax joogta leh, markaas xanuunadu way innagu yar yihiin Ilaahay mahadii oo waxa dadkeena ku dhaca uun afar xanuun oo khalad laga fahmey 1) Isha,2) sixirka,3) falka,3) iyo Jin dadka gala. Xanuunada inta kale oo dhami kuma noolaan karaan meel qorax iyo hawo fiican leh oo waad ogtihiin sidaynu Covid-19 sutida ugu qabanay, sidaas darteed waxaynu badinaynaa cilaajyada arrimahaas dadka lagaga daweeyo oo run ahaantii cisbitaaladan ay gaaladu inoo keeneen looma baahna inaynu sii wadano, kuwa imminka jirana aynu gooba hooda ka dhigno iclaajyo. Qaadka oo ka daawo ah xanuuno badan dadka bilaash baynu uga dhigaynaa, sababtoo ah waxaynu ku bedelaneynaa dekada Seylac ee iska hagaaftay oo aynu itoobiya siinaynaa, si ay iyaguna innoogu bedelaan qaad bilaash ah weligiis. Shidaalkan ay Taiwan innoo soo saaraysona waxaynu ku odhanaynaa annagu wax soo saar cunto ah ma lihin ee waxii cunto iyo cabis ah ee ay Janno-sugayaashu u baahdaan usoo dejiya. Qayila oo cuna oo cibaadeysta idinka oon shaqaysan maxaa ka fiican. Reer guuraaga ay abaaruhu kusoo noqnoqonayaan dee ilayn dadkaas cibaadeysanaya ayeynu nahaye ducada iyo Allah bariga ayeynu badsanaynaa si uu Ilaahay roob ugu shubo markay u baahdaanba. Bes!

Adduun yadan nolosheedu way iska kooban tahay, markaas maxaa looga baahan yahay xoolo la dhaqdo ama la urursadoba oo aan ahayn inta ay madaxdu u baahan tahay. Miyaan la innagu odhanin “ Nolosha adduunku wax kale maaha ee waa uun dhaldhalaal”. Jannie-sugayaashu uma baahna nolol adduun oo fasaad iyo xumaan u keenta. Dhaqaalaha wadanka markaan madaxweyne ka noqdo in’sha’Allahu, waa inay Janno-sugayaashu ii fasaxaan inaan keligay ka taajiro hantida dalka ilayn iyagu aakhiro ayey u shaqaysanayaane. Hadaba, si ay Janno-sugayaashu ay janada u tagaan waa inay sanadkiiba soomaan 126 cisho oo kala ah sodonka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo sideed iyo afartanka usbuuc ee sandaka ka soo hadhay oo uu qof walloo qaan gaadh ahi uu soomayo isniin iyo khamiustii kasta(96 maalmood). Aragti ahaan qof Ilaahay iyo aakhiro isku xidhay oo talo saartay maba gaajoodo ilayn Janatul Furdawsal al-aclaa baa sugeysa’e. Hargeysa imminka waxa ka jira lix boqol iyo dhowr lixdan masaajid, anigu aragtidayda waxaan qabaa inaynu gaadhsiino in ka badan lux kun oo masaajid si ay Janno-sugayaashu u helaan goobo faro badan oo Ilaahay ku caabudaan. Hargeysa waxaynu ka dhigaynaa hooygii ganacsiga, murtida, iyo cibaadada si aqoonta diinta looga soo doonto hadhuudh lahana loogu daro magaaladii Herar. Caasimadda waxaynu u raraynaa Burco, waayo Hargeysa dhulkeedii oo dhan siiba dhulkii danaha guud ahaa waa la dhamaystay, sidaas darteed si uu dhulka magaalada Burco uu u kaco oo markay jeegaantu ii doorato madaxwenanimo, waxa ii suuroobeysa inaan helo dhul faro badan oo aan ka taajiri karo. Bal ka waran markuu baloodhka Burco ku yaalaa noqdo saddex ama afar boqol oo kun oo dollar, dhulka danaha guud ee magaalada ku dhex yaalana dee waxay noqon doonaan malaayiin dollar. Si fudud baan u taajiri lahaa hadday labadan walaalaha ee aanu wada dhalanay waa Suldaamada iyo Libaaxyadee ay shanta sannadood ee soo socda oo keliya oo ay ii ogolaadaan inaan madaxweyne noqdo, ilayn waa tii la odhan jirey “Geel soddon qaday, shan kuma daro waayo’e”. Saddex arrimood awgeedna Ilmaadeeraday ha iigu garaabeen, kow reerku kursiga wuu qabtay laakiin waxay naga noqotay dacawadii iyadoo gaajaysan beerta ka gashay meel yar oo gidaarka beerta ku deyran ka dalooshey, markay beertii gashay ee dheregtey bay istidhi kasoo baxay nasiibdarose ilinkii yaraa ee dalooley bay soo dhaafi kari weydey, dabadeed si ay meesha uga soo baxdo waa is gaajaysiisay si ay isu dhuubato oo meesha uga soo baxdo, ugu danbeyntii iyadoo gaajidii ay meesha la gashay mid la midi hayso bay beertii ka soo baxday, waa ayaandaro weyn. Dee koley meel walba ceeb naloo mari inaanu meesha carabka sii maranaye, ii ogolaada inaan sidaas inaadeerkay  Aw Muuse Milyaneer anigu noqdo bi’i waaya’e. Ta labaad, dee waxaad tihiin nimankaa gobta ah ee inaadeerkay cago baruur xisbiga hadiyada u siiyey, miyeydaan anigana ii ogolaan karin inaan jeegaantan lagu xoolaysanayo aan ku soo hantiyeysto aniguna ilmaadeerayaal. Ta saddexaad, haddii aan jeegaanta ku soo baxo oo madaxweyne noqdo waxaad madaxtootada ka noqonaysaan reer Saaxilka cusub oo ilayn nin weyn baan ahaye waxyaabo badanna ilaawi karee ama hawluhu way igu faro badnaan karaane, waxa waqti u heli doonta oo wax walba idiin soo dhamaynaysa dee xaafada oo waxba kala waayi meyno ilmaadeeerayaal gobtiiyey.

Isku soo wada xooriyoo, nin igaga habooni jagadaas ma jiro gudoomiye Saleebaan nuurow, sababtoo ah reerkii la hafrayey waxii lagu hafrayey baan kaga dhabayn lahaa oo markaan ugu liito dee reerka waxaan u soo hoyn lahaa oo aan noqon lahaa bilyaneerkii labaad ee Dahabshiil la derajo noqda, oo weliba “Heego” ayey baratee ufooyin iyo saxansaxooyin yar yar oo badan baan u samayn doonaa xaafada. Ta labaad, waxaan ahay ninka keliya ee ilmaadeeradii/ xidiidkii ku qancin kara inay shan sanadood oo danbe oo ay jeegaanta dalka dib u sii xukunto ogolaada, waxaan ku kalsoon ahay inay iga aqbali doonaan codsogaygaas. Ta saddexaad, haddii qolodan aynu jeegaanta wada leenahay ay tidhaahdo abaal labaad baanu idiinku leenahay oo markii hore ee Siilaanyo dhacay annagu waanu idiin codaynay ee Ilkayaray idinkaa is la degey, waxa igaga ridaya libaaxyada aanu ilmaadeerka iyo xidiidkaba nahay oo odhan doona berigii 1960 ee aanu Ina Cigaal taageernay u tuura abaalkaas, oo odaygan Kubad iyo ilkayar toona waxba kuma lihidin super Subeerow. Gudoomiye Saleebaan iyo gudida kale sharafta mudanow, maanta arrinkaas ii doorta sababtoo ah waxaan ahay ninkaas aragtida fog ee qabyaalada ku qotonta leh, ee dadkiisa reer Janno-suge wanaaga iyo khaatuma fiican u horseedaya, waxan ahay ninkaas faraha badan ee ilaa seediyadii ku odhan kara ii yara samra ilmaadeerayaal ee ay ka garwaaqsan karaan, waxan ahay ninkaas badheedhsan ee dadka u sheegaya waxa uu damacsan yahay oo ah innaan rabo sidii aan xooloha ummada ugu hantiyeysan lahaa, waxan ahay ninkaas dhiirigelinaya fulina doona inay qabyaaladu noqoto aqoonta dalka, waxan ahay ninkaas ummada Janno-sugayaasha sii adkayn doona yiqiintooda. Haa, arrinta ictiraafka mar haddii aynu ictiraafkii Ilaahay haysano maxayno gaalo qudhunley uga baahanay ictiraafkooda, inaynu is bahdilno maahaa oo gaalada ciseyno. Bal car nin ila mid ah oo intaas aan aaminsan ahay arigteeda, hankeeda, iyo ku dhaceedaba leh xaafadeena ka soo dhex hela gudiyee. Afkeeda ayey kala haysan weydee!

W/Q Siyaasi Cali Kubad