Maraykanka oo ka digay qorshe uu Shiinuhu la damacsan yahay Taiwan

Shiinaha ayaa si dardar leh oo aan horay looga baran u fulinaya qorshaha uu ku doonayo in uu Taiwan uga dhigo qeyb ka mid ah dal weynihiisa,  sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumadda Beijing ay go’aansatay in aan hadda kadib la aqbali karin xaaladda hadda ay isku maamusho Taiwan.

Khudbad uu Axadii ka jeediyay shirweynaha xisbiga Hantiwadaaga uu ku yeesha Beijing, ayaa Madaxweyne Xi Jinping waxa uu diiday inuu meesha ka saaro in dalkiisa uu awood u adeegsan doono Taiwan.

Shiinaha ayaa ku dooda in jasiiradda Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulkiisa, halka xukuumadda Taipei ay isu aragto dal ka madax bannaan Beijing.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada waddankiisa ay difaaci doonaan Taiwan, waa haddii uu soo weerarro Shiinaha. Washington ayaa siyaasad aan si buuxda loo fahmi karin kula tacaamusha Beijing iyo Taipei.

Blinken oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday jaamacadda Stanford, ayna ku sugnayd xoghayihii hore ee arrimaha dibedda, Condoleezza Rice, ayaa waxa uu ka sheegay in haddii Shiinaha uu qaab nabad ah ku soo celin waayo Taiwan, uu markaa adeegsan doono qasab iyo xitaa awood milateri.

“Waa taa arrinta dhibaatada ku ah joogteynta xaalka hadda jira, isla markaana abuuraya xiisad ballaaran,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in Maraykanka uu ka dhabayn doono ballanqaadkiisa ah inuu difaacayo Taiwan.

Siyaasadda rasmiga ah ee u degsan Washington ayaa ah inay aqoonsan tahay midnimada Shiinaha – oo ay kamid tahay Taiwan, isla markaana aanay ciidamadeeda si toos ah u caawin karin Taiwan. Hase yeeshee Biden ayaa u muuqda mid hareermaray siyaasaddaas, waxaana uu marar badan sheegay in dalkiisa uu difaaci doono Taiwan.

Hadalka Blinken ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo shirweynaha xisbiga Hantiwadaaga Shiinaha oo shantii sano ba mar la qabto. Madaxweyne Xi ayaa lagu wadaa in markii saddexaad loo doorto hogaaminta dalkiisa.

Khudbadda uu ka jeediyay furitaanka shirka ayaa Xi waxa uu ku adkeystay in “dib u mideynta dalkeena ay tahay mid qasab ah oo laga miro dhalin doono”.

“Waxaan sii wadi doonnaa in aan qaab nabad ah ku raadino dib u midoobidda, inagoo daacad ka ah, isla markaana dedaal dheeri ah ku bixinayna, balse ma ballanqaadi karno in aan adeegsan doonin cudud milateri,” ayuu yiri Maxadweyne Xi.

Xiisadda u dhexaysa Shiinaha iyo Maraykanka ayaa meel adag gaartay kadib markii ay guddoomiyaha golaha wakiiladda, Nancy Pelosi booqasho ku tagtay caasimadda Taiwan.

Ciidamada Shiinaha ayaa dhoola-tus milateri ka sameeyay biyaha u dhaw Taiwan, taasoo jawaab u ahayd booqashada Pelosi. Xukuumadda Taipei ayaa arrintaas ku tilmaantay “daandaansi weyn”.

Khariiradda Shiinaha iyo Taiwan

Shiinaha iyo Taiwan

Maxaa xumeeyay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan? Shiinaha ayaa ku dooda in jasiiradda Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulkiisa, halka xukuumadda Taipei ay isu aragto dal ka madax bannaan Beijing.

Qaabkee loo xukumaa Taiwan? Jasiiradda ayaa leh dastuur u gaar ah, madax si dimuqraadi ah loo doortay, iyo ku dhawaad 300,000 oo ciidan joogta ah.

Yaa aqoonsan Taiwan? Dalal faro ku tiris ah ayaa u aqoonsan waddan madax bannaan. Inta badan dowladaha caalamka waxa ay aqoonsan yihiin inay kamid tahay Shiinaha. Inkastoo aanu Maraykanka aqoonsaneyn madax bannaanida Taiwan, haddana waxaa jira xeer ku qasbaya in jasiiraddaas uu siiyo waxyaabaha ay isku difaaci karto.