Mareykanka ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn weerarada Israa’iil ay ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran, taasoo ah tallaabo kor u sii qaadaysa xiisadda gobolka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa war-saxaafadeed soo saaray wax yar un ka dib markii duqeymuhu bilaabmeen, isagoo sheegay in Israa’iil ay qaaday “tallaabo kalinnimo ah”, islamarkaana uga digay Iran inaargudashadeedu uu saameeyo Mareykanka.

“Annagu kuma lihin wax lug ah weerarrada ka dhanka ah Iran, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio. “Aan cadeeyo: Iran waa inaysan beegsan danaha ama shaqaalaha Mareykanka.”

Inkasta oo Mareykanka si cad uga fogaaday howlgalka Israa’iil, hadana telefishinka dowladda Iran ayaa si degdeg ah Mareykanka ugu eedeeyay in uu “ka qeyb qaatay” weerar ay ku tilmaameen mid “caruur lagu dilay”.

Weerarrada Israa’iil oo loogu magac daray Hawlgalka Libaaxa Soo Kacaya (Operation Rising Lion) ayaa lagu beegsaday barnaamijka nukliyeerka Iran iyo goobo kale oo ciidan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarku uu ahaa lagama maarmaan maadaama Iran ay wali waddo dadaalkeeda ku aaddan in ay uranium-ka hodanka ah u beddesho hub, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah “badbaadada jiritaanka Israa’iil”.

Dowladda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, waxayna sheegtay in ay filayso in Iran ay aargudato. Netanyahu ayaa intaa ku daray in weerarrada lagu hayo Iran ay “sii socon doonaan inta ay doonaan”.

Warbaahinta dadweynaha ee Israa’iil (Kan) ayaa sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay horey ugu wargeliyeen Mareykanka ka hor inta aysan bilaabin weerarrada.

Bayaanka Marco Rubio ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wargelisay Mareykanka in tallaabadani ay lagama maarmaan u tahay is-difaaca qarankeeda.

“Madaxweyne Trump iyo maamulka Mareykanka waxay qaadeen dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii loo ilaalin lahaa ciidamada Mareykanka, waxaana si dhow ula shaqeynaynaa saaxiibbadeenna gobolka,” ayuu yiri Rubio.

Iyadoo laga baqayo in Iran ay ka aargoosato weerarka Israa’iil oo ay beegsato saldhigyada milatari ee Mareykanka ee gobolka, Mareykanka ayaa horey u bilaabay inuu si qayb qayb ah u daadgureeyo shaqaalaha safaaraddiisa ee Ciraaq.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale xaddiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaheeda gudaha Israa’iil, iyadoo u oggolaatay inay ku sugnaadaan oo keliya aagga Tel Aviv, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey baraha bulshada Khamiistii.

Khamiistii hore, Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay in hawlgal militari oo ka dhan ah Iran uu “baabi’in doono” wadahadallada uu maamulkiisu la lahaa Tehran si loo xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wararka weerarrada Israa’iil ayaa yimid wax yar un kadib markii madaxweynuhu ka baxay xaflad casho ah oo loogu qabtay xubnaha Congress-ka Aqalka Cad, isagoo aan wax tilmaam ah ka bixin waxyaabaha dhacaya.

Trump wuxuu muddooyinkii la soo dhaafay ku howlanaa wadahadallo uu la lahaa Iran oo ku saabsan sidii loo xadidi lahaa barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ilaa hadda wax heshiis ah lagama gaadhin.

“Inta aan aaminsanahay in heshiis la gaadhi karo, ma doonayo in Israa’iil ay weerarto,” ayuu Trump yidhi Khamiistii, isagoo raaciyay inuu “jeclaan lahaa in la iska ilaaliyo dagaal.”

Trump ayaa si isdaba joog ah u muujiyay inaanu ku qanacsanayn horumarka wadahadallada, wuxuuna Khamiistii yiri: “Iraaniyiintu waa inay na siiyaan waxyaabo aysan hadda diyaar u ahayn inay na siiyaan.”

Saacado kadib markii uu sidaas yiri — ayna bilaabmeen weerarrada Israa’iil — ayuu Trump bartiisa bulshada ku qoray in Mareykanku wali ka go’an yahay “xal diblomaasiyadeed oo ku saabsan arrinta nukliyeerka Iran” isla markaana uu “maamulka oo dhan u diray” in ay sii wadaan wadahadallada ay la leeyihiin Iran.

Wakiilka Trump ee BarigaDhexe, Steve Witkoff, ayaa la filayaa inuu Axadda la yeesho wareeg cusub oo wadahadallo ah mas’uuliyiinta Iran.

Jimcihii sakaa, Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Trump uu kulan gaar ah la yeelan doono Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, taasoo ka dhici doonta Qolka Xaaladaha (Situation Room) ee Aqalka Cad.

Bbcsomali