Mareykanka oo ku dhawaaqay taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday in ka badan $151 milyan oo taageero cusub oo la siinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka ka jira.

“Dowladda Mareykanka ayaa ayada oo u marineysa hay’adda USAID waxay in ka badan $151 milyan ku bixineysaa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayey USAID ku tiri bayaan ay soo saartay.

USAID ayaa sheegtay in $146.5 milyan oo lacagtaas ka mid ah loogu talagalay gargaar cunto oo loo fidinayo dadka ka badan 7 milyan ee ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ay qarka u saaran yihiin macluul.

Sidoo kale, lacag ku dhow $5 milyan ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Lacagtan ayaa dheeri ku ah $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii July, markaasi oo ay Soomaaliya booqatay madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Lacagtan cusub ayaa taageerada dawladda Maraykanka ay sanadkan siisay Soomaaliya ka dhigeysa in ka badan $870 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saadaasha ay bixiyeen hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December ee sanadkan haddii aan la helin taageero deg deg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha kale ee caalamka inay sare u qaadaan kaalmadooda Soomaaliya, si looga weecdo in saadaasha macluusha ay dhab noqoto.