Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay in askari toddobaad oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku dhinteen dagaalka dalkaasi la galay Iran.
Tirada Mareykanka uga dhimatay dagaalka ilaa hadda waa 7 askari.
Sida lagu xaqiijiyay qoraal ka soo baxay US Central Command (Centcom) baraha X:“Habeenkii xalay, xubin ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ku geeriyootay dhaawacyadii ay ka soo gaareen weerarradii hore ee maamulka Iran ee ka dhacay Bariga Dhexe.”
Centcom ayaa intaa ku dartay in askarigan si xun loogu dhaawacay goobta weerar ka dhacay ciidamada Mareykanka ee Sacuudiga bishii 1 Maarso.
Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in magaca askariga la qarin doono ilaa 24 saacadood kadib markii la xaqiijiyo aqoonsiga qoyskiisa





