Markab sida 1,519 Xujaaja “Pilgrims” ayaa gaadhay Dalka sacuudi Carabiya

Markab sida 1,519 dad ah oo gudanaya waajibaadka xajka ayaa ku xidhay dekkada magaalada Jeddah , (Jeddah Islamic Port), ee dalka Sucuudiga.
Markabkan oo ka yimid dalka Suudan ayaa siday xujaydan Reer Sudan oo ka mid ah Xujay lagu qiyaasay 1 Milyan oo sanadkan gudanaya waajibadka Xajka.
Waa xujaydii ugu horaysay ee sanadkan Xajka ugu soo safray safar dhanka badda ah.