markii u soconaayay dagaalkii Dawladda Itoobiya &Tigreyga u dhexeeyay Muuse wuxuu la saftay Tigreyga 

Usbuucan inna dhaafay, ee Khamiistii shalay u dambaysay, taliska Somaliland waxa ay ku kaceen farsamo-xumooyin dalkan iyo dadkan uun la gu wiiqaayo, waxaanan aaminsanahay in aanay dhaadis la’aan ku dhicin waxaasi ee ay badheedh yihiin. Bal hadda eeg:
1. Shirkii wasiirada ee shimbiro yahow heesa, waxa shalay la ga soo saaray qoraal Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya rasmi loo gu eedaynaayo in ay ciidamo u direen Laascaanood, ayna tahay in ay ka baxaan wax huwan loo gu yeedhay. Waxaynu wada ognahay, oo dabcan Muuse na uu ogyahay, laakiin se ogaan uu u garab maray, DDS in aanay lahayn ciidamo debedda loo diro. Xuduudaha wixii ka baxsan, waxa ay hoos tagaan awoodaha Dawladda Fadaraalka ah ee Addis fadhigeedu yahay. Muuse in uu colaad ka abuuro dhinacaas, oo masaakiintii dhakhtarka u tegi jirtay Jigjiga iyo Addis uu carqaladeeyo ayuu doonayaa. Tacabkii ba intaas uun buu soo kordhinayaa.
2. Geesta kale, markii u soconaayay dagaalkii la gu ka la adkaaday ee Dawladda Itoobiya iyo Tigreyga u dhexeeyay, Muuse waxa uu talo xumo darted u la saftay Tigreygii la baaxsanaayay. Madaxweyne Mustafe oo Hargeysa u yimid si uu mawqifka rasmiga ah ee Somaliland u ogaado, oo Addis na u la wadaago, waxa uu Muuse u sheegay in ay 100% garab taaganyihiin xukuumadda Itoobiya, war murtiyeed baana sidaas la gu soo saaray. Markii uu Mustafe Jigjiga ku laabtay, ayaa maalintii xigtay uu Wasiir Khaarajiga SL, Mr Ciise Kayd soo saaray war odhanaaya in Somaliland ay dhexdhexaad ka tahay dirirta Itoobiya ka socota. Abidkeed dunida la gu ma arkin, la ma na maqlin, cid sheegata in ay dawlad shaqaynaysa iyo jabhad duur ka ku jirta dhexdhexaad u tahay. Xataa kuwa sidaas doonayaa waa qarsadaan ee ma cadaystaan. Laakiin marka aynu ka hadlayno Muuse oo kale, iyo maatida ag joogta ee Kaahin iyo Kayd ka mid yihiin, oo aan ogahay in aanu talo weydiin, waxaas oo kale waa is ka caadi. Dabciga ah in wax la sheego, maalinta xigta na waxaas caksigiisa la sameeyo, waa dhaqan Muuse caan ku yahay oo uu fariidnimo u yaqaanno.
3. Weli talo xumooyinkii usbuucan oo keliya ayaynu sii wadnaaye, nidaamka Somaliland waxa ay abaabuleen, oo dhaqaale badan na ku bixiyeen, wax ay u gu yeedheen taageero shacbi oo loo muujinaayo ciidanka SL ee Sool ka dagaalamaaya. Taageeradaas abaabulkeeda waxa la ga sameeyay Burco, Berbera, Gebiley iyo Hargeysa. Waa deegamadii Isaaqa, waxaanay taasi dhab u muujinaysaa fikirkii nidaamku ku shaqaynaayay ee ahaa in waxa socdaa uu yahay dagaal beeleed u dhexeeya Isaaqa iyo Daaroodka dhulalkaas wada dega. Waa talo xumo kale oo colaadda la gu sii riiq dheeraynaayo, dadka na la gu ka la dilaayo. Wiil dhalinyaro ah oo Berbera ka hadlay baan se ka ga gam’ayaa aqoon darada socotay oo dhan.
markii u soconaayay dagaalkii Dawladda Itoobiya &Tigreyga u dhexeeyay Muuse wuxuu la saftay Tigreyga