Markii uu Boris Johnson tagay Soomaaliya+Waxay xaaskiisa kala kulantay Hargeysa

Farmaajo iyo Boris

Sanadkii 2017-kii waxaa magaalada Muqdisho booqday ra’iisul wasaaraha hadda iska casilay xilka ee Boris Johnson isaga oo xilligaas ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka  Ingiriiska.

Wuxuu la kulmay madaxweynihii waqtigaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ballan qaaday in dowladiisu ay gacan ka gaysanayso caawinta dadka Soomalaiyeed ee abaarta ba’an ay haysay xilligaas.

Abaartii jirtay waqtigaas waxay saameyn ku yeellatay dad gaaraya 6.2 milyan oo qof iyadoo  ku dhawaad kala bar Soomaalidu u baahnaayeen gargaar binu aadanimo maadama abaartu saameysay dalagyadii beeraha, xoolihii iyo biyihii uu sii yaraanayay.

War ka soo baxay xilligaas xafiiska madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ku caawin doonto Soomaaliya lacag dhan 134.35 milyan oo doolar oo loogu tala galay abaarihii ka jiray qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa isna war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Johnson uu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya arrimaha abaaraha iyo ammaanka .

Dowladda Uk ayaa isla waqtigaasi sheegtay in bishii lacag dhan 100 doolar ay siiso qaar ka mid ah ciidamada Booliska iyo askarta Soomaaliya ,balse ay wali jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin la xisaabtan la’aanta ciidamada marka ay gaystaan tacadiyo ka dhan xuquuqda aadamaha iyo deegaannada qaar oo ka maqan gacanta dowladda.

“Boris wuxuu la kulmay madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi  wuxuuna kala hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo laba jibaaridda tagaeerada dowladda Soomaaliya iyo ka qayb qaadashada caaawinta dadka abaaraysan ,” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay waraabinta dowladda federaalka Soomaaliya sanadkii 2017-kii.

 Boris iyo xaaskiisa Carrie

Xaaska Boris

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay in Carrie Symonds oo ah xaaska Ra’iisul Wasaare Boris Johnson laga mamnuucay inay booqasho ku tagto dalka Mareykanka.

Warbaahinta Daily Mail, ayaa sheegtay sanadkii 2019-kii in Symonds, oo 31 jir ahayd xilligaas, ay ka dalbatay Mareykanka fiiso shaqo, laakiin maamulka Washington ayaa la sheegay inay ka hor istaageen codsigaas sababtana waxaa loo malenayay booqashadii ay ku tagtay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland sannadkii 2018-kii.

Wargeysku waxaa uu sheegay in Symonds ay safar shan maalmood qaatay ugu tagtay Nimco Cali oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kadibana waxaa magaalada Hargeysa kula kulantay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay kala hadashay “arrimaha haweenka iyo wasakhowga badda”.

Warbixinta ayaa lagu xusay in marka la eego sharciyadii socdaalka ee uu keenay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sanadkii 2017, dadkii booqday dalalka Ciraaq, Suuriya, Iran, Sudan, Libya, Somalia iyo Yemen tan iyo bishii Maarso ee 2011-kii ay la kulmeen tallaabooyin codsiyadooda lagu diidayay.