Writen by Qaran News |

Marwada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xulufadeeda Madaxtooyada oo Caawa Lacago Dul-dhigay Goobaha Sanaaduuqda Codbiyaasha lagu Tirinaayo + Rajada Kulmiye Hog-madow ku dhacday + Baroorta Aamina Weris oo si Weyn Looga dareemay Xaafadaha Hargeysa
Marwada Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Somaliland Aamina Maxamuud Jirde, iyo Wasiiradda Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Wiilka Siilaanyo Sodogga u yahay ahna Safiirka Somaliland u fadhiya isu Tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil (Baashe Morgan),  iyo Maayirka Caasimadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Caawa Magaalada Hargeysa, gaar ahaan goobaha ay yaalan Sanaaduuqda Codbixinta kula dhex wareegaya, Kiishash Lacag ah, kuwasoo damacsan inay ku farraqaan xubnaha koomishanka Goobaha iyo sidoo kale Munaaqibiinta Xisbiyada, si loo fadhataysto Codadka la siiyey Xisbiga Waddani.
Masuuliyiintan heer walba leh ee caawa gaaf wareegaysanaya xaafadaha iyo goobaha ay ka soco tirinta Codbixiyaasha maanta Codkooda dhiibtay, ayaa waxay kooxdani isu bahaysteen musuqmaasuq iyo wax is daba marin la isku dhaafiyo Codadka Xisbiga Kulmiye iyo Waddani, waxana qorshaha kooxdan lagu sheegay inay damacsan yihiin in la adhax jebiyo Codka Xisbiga Waddani ee gobolka maroodi-jeex.
Kooxdan mudada dheer shaadhka Madaxweynaha ku shaqeysanaayey, ayaa caawa lacagtii Cashuurta Umadda dalka kaga hurinaaya Mashaakil iyo magac Dil ka dhan ah sharafta iyo karaamadda Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mujaahid Axmed Siilaanyo, kuwasoo u maleegaya inuu qaranka ku sabootiyo burbur iyo qalalaase siyaasadeed oo sababi kara xasilooni darro aan la mahadin.
Wararka ku dhowdhow Kooxdan caawa usoo banbaxay tirtiriida Codadkii shacabka Somaliland sida nabad gelyada ah u dhiibteen Maanta, ayaa waxa kaloo xoggaha laga helay sheegeen inay shirqoolo kale oo intaa ka badan dalka ka wadaan, ayaa haddana waxa arrimaha daliilka u ah dhaqdhaqaaqyadooda farogelinta ay ku samaynayaan Koomishanka iyo hab dhaqanada xun-xun ee ay danahooda ku fushanayaan ayaa ah kuwo amnigoodu barmadow ku yahay dalka. Arrimaha uu hadda ku talaabsaday Masuuliyiinta Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye inay guuldaro xambaarteen, Isla markaana ay waayeen doorasho xor ah oo xalaala, kaddib markii shacabka Somaliland ku bedeleen Fartooda doorashadii Maanta sida nabad gelyada ahayd dalka uga dhacday.