Writen by Qaran News |

Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka Michelle Obama ayaa shaaca ka qaaday in labadooda gabdhood ee lagu kala magacaabo Sasha (19) iyo Malia (22) ay neceen islamarkaana aysan dooneyn in ay wakhiga la qaataan.

Michelle Obama, ayaa arrintani u sababeysay cudurka coronavirus oo ay sheegtay in uu iska horkeenay iyaga iyo carruurta maadaama maanta wakhtiga intiisa badan guriga lagu wada jiro.

Haweeneydan oo wareysi siineysay Conan O’Brien ayaa sheegay in iyada iyo Barack Obama ay u alifeen carruurta barnaamijo ay wakhtiga isku dhaafiyaan, balse barnaamijyadaasi usbuucyo iyo bilooyin kadib ay ka horyimaadeen.

” – Waxaan dhihi karaa, carruurteenna waa na neceen, waana wax caadi ah anagaba waan nacnay oo waan isnacnay”, ayay tiri Michella Obama.

Waxay sidoo kale sheegtay in ay xitaa muddoo kooban ka guureen guriga oo ay u guureen guri aad u weyn si loo kala nafiso.

Si kastaba. xayiraadaha in guryaha lagu jiro ee uu keenay cudurka COVID 19 ayaa isku diray dadka guryaha ku wada nool sida waalid iyo carruurtiisa, dad isqaba iyo kuwo wada noolba.