Mas’uul Jaamacadeed oo Telefoon dartiis loogu dilay Somalia?

Barfasoor Cismaan Axmed Macoow

Maamulka Jaamacadda Horseed ayaa BBC-da uga warramay xogta ku saabsan barfasoor ka mid ahaa mas’uuliyiinta Jaamacaddooda oo ay koox hubaysan xalay ku dishay magaalada Muqdisho.

Wararka ku saabsan dhacdada dilka ah ayaa sheegayay in Cismaan Axmed Macoow ay dileen koox ka qaadanaysay telefoonkiisa oo ku weerartay agagaarka Suuq Yaraha ee Degmada Dharkeenley.

Cabdikariim Sheekh Maxamed Xasan oo ah maamulaha Jaamacadda Horseed ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in iyaga laftooda uu warka uu kusoo gaaray in dilka macallinka uu yimid xilli laga qaadanayay telefoonka.

“Geeri kadis ah ayaa ku timid Barfasoor Cismaan Axmed Macoow oo ku jiray Golaha Waxbarashada ee Jaamacadda.

“Asagoo caafimaad qaba ayuu shalay shaqada ka baxay, saakana waxaan ka war helnay in ay geeri kadis ah ku timid oo gacan ka xaq daran ay ku dishay xaafadda uu dagganaa agteeda. Ma xaqiijin karno laakiin in moobilki laga qaatay iyo wax noocaas ah ayay dadku intooda badan sheegayaan,” ayuu yiri maamulaha.

Madina

Mamulka Jaamacadda Horseed ayaa ka tacsiyeeyay geerida macallinka oo ahaa hormuudka kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jaamacaddaas.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkan oo kooxihii gaystay ay isaga baxsadeen goobta.

Labo telefoon

Wararka soo baxa qaar ayaa sheegaya in macallinka ay kooxda hubaysan ka dalbadeen in uu telefoonkiisa ku wareejiyo.

Labo telefoon oo uu watay, oo kala ahaa mid wayn iyo mid yar ayuu u dhiibay kii waynaa, isagoo aan soo bixinin kii yaraa.

Burcadda la tuhnsan yahay oo markii dambe ku arkay telefoonka labaad ayaa sidaas awgeed ugu dhuftay rasaas, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah macallimiinta kale ee ay isla shaqeynayeen.

Hase yeeshee, BBC-da ma xaqiijin karto in dhacdadu ay qaabkaas u dhacday.

Kumuu ahaa Cismaan Axmed Macoow?

Ustaad Cismaan Axmed Macoow waxa uu sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo hadda ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya.

Cismaan Axmed Macoow

Waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa dugsiga sare waxa uu dhammaystay sanadkii 1987-kii.

Waxa uu ahaa aabe mustaqbal hiigsanayay, isagoo hadda ka tagay labo xaas iyo 9 carruur ah oo isugu jira toddobo wiil iyo labo gabdhood.

Cismaan waxa uu bare kasoo noqday dhowr dugsi iyo jaamacado kala duwan, isagoo hadda ka howl galayay jaamacadda Horseed iyo xarumo kale oo waxbarasho.

Dilkiisa ayaa yimid xilli muddooyinkan ay soo kordheen falalka dhaca ah ee ay gaystaan kooxaha burcadda ah, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhaca oo xilligii doorashada kaddib aad u batay ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa dadka wata telefoonnada qaaliga ah.