#Waa tee is-diiwaangelinta hadda furani? Waddani iyo Xisbiyadda kaleba Miyaanay is-diiwaan gelin 2012-kii?
Xisbiga Waddani wuxuu is-diiwaan galiyay sanadkii 2012-ki, waxaanu liisanka Xisbinimo qaatay 26-December-2012. Liisankaas oo cimrigiisu yahay 10 sanno wuxuu ku eg yahay 26-December-2022 iyo wixii ka dambeeya ilaa inta la helayo Xisbiyo bedela oo tartan cod dadwayne ku yimaad. Sidaa darteed, is-diiwaangelin labaad mudada liisankiisu shaqaynayo ma jirto. Dhanka kale, ururada ee cusub hadda u diyaar-garoobaya iney u tartamaan Xisbinimo doorashada Madaxwayne November 13, 2022 kadib, waxay is-diiwan-gelintoodu xidhantay 11-Augost-2022. Su’aasha is-waydiinta leh ayaa ah : Waa tee is-diiwaangelinta furan hadda ee laga hadlayaa?
Runtu waxa weey in aanay jirin i-diiwaangelin Ururnimo oo hadda furan. Waddani 9 sano iyo dheeraad ka hor buu is-diiwaangeliyay waana Xisbi liisankiisu wali sharci yahay. Dhanka kale, diiwaangelintii Ururada cusubna way xidhantay, maxay tahay diiwaangelintu cusub ee Waddani kelidii aan ka xidhmin? Maba jirto is-diiwaangelin hadda furan oo waa tii xidhantay Augost-2022, tii 2012-kiina iyada hadalkeeda daa..
#Si-xun wax u sheeg sixir ka darran : Maxaa laga rabaa Xisbiyada hadda jira?
Xisbiga talada haya iyo Xukuumada oo madaxwaynuhu u horeeyo ayaa dadka si qaldan oo ujeedo iyaga u gaar ah ugu fasiraya qoddobka 5.3(b) ee Xeer 14/2011 kaas oo leh in Xisbiyaddu ay Guddida Diiwaan-gelinta iney u gudbiyaan Natiijaddii shirweynahoodii u dambeeyay ka soo baxay iyo waxyaabihii u qabsoomay sida liiska Golaha Dhexe ee lagu doortay, Hogaanka Cusub ee la doortay, Wax-ka-bedelka iyo kaabista ay xeerkooda ku sameeyeen iyo wixii go’aano ah ee ka soo baxay.
Waxaan ka mid ahaa Guddidii loo saaray iney isku-duba-ridaan qoraaladda iyo natiijaddii shirwaynihii Xisbiga Waddani ee u dambeeyay ee dhacay 15-17-November-2021. Waxaanu dooranay hogaan cusub, waxaa la sameey Gole-dhexe oo cusub, Waxaabu wax-ka-bedel kaabis ku samaynay Xeerka Xisbiga, waxaanunu ku ansixinay Murashixiinta Madaxwaynaha iyo Ku-Xigeenka ee Xisbiga uga qaybgelaysa doorashada 13-November-2022 iyo hawlo kale oo badan.
Guddi ahaan waxaanu u xilsaarnayn inaan diyaarino warbixinta Shirwaynaha 2aad si loogu gudbiyo muddo bil ah gudaheed Xeer ilaalinta iyo hay’adaha xisbiga. Warbixintaa aanu hore u diyaarinay u gudbinteeda iyo qaybinteedu waa hawlo maamul oo iska caadi ah oo cid kasta oo u baahan aanu la wadaagno. Qodobka 5.3(b), wuxuun buu na leeyahay warbixintaa shirwaynaha iyo wixii idiin qabsoomay la wadaaga Guddida Diiwaangelinta Ururadda.
Haddii aanu la wadaagno Guddida Ururada Warbixinta Shirwaynahayagii labaad macnaheedu maaha in aanu isku-diiwaangelinayo Ururnimo, mana aha in aanu noqonayno Xisbi ku-meel-gaadh ah, sida ay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu dadka ugu sheegayaan. Sidoo kale gudbinta warbixinta shirwaynahayagii labaad maaha in aanu aqbalnay in doorashadii Madaxwaynaha laga soo horaysiiyo ta doorashada Ururadda.Xaasha! ciddii ay aqoon-daro ka tahay iyo is-indho-tir ka tahayba, arimahaasi waa siddii ay ahaayeen iyo halkoodii.
#Haddaanu Warbixinta Shirwaynahayagii 2aad la wadaagi wayno Guddida Ururada Maxaa dhacaya? Maxay se tahay shuruuda aanu ku xidhi karno?
Haddii aanu la wadaagi wayno Warbixintaa xataa macnaheedu maaha in aanu Xisbinimadii luminayno sida madaxwaynuhu kaga qudbeeyay Gabiley. Liisanka Xusbinimo tartan cod oo na dhex mara ururada cusub iyo Xisbiyadda kale oo keliya ayaanu ku lumin karnaa kaas oo ay tahay inuu dhaco doorashada madaxwaynenimo kadib.
Ugu dambayntii, Guddida Ururada waxaa waajib ku ah iney dadka qoraal ugu cadayso in u soo gudbinta warbixinaha shirweynayaashii Xisbiyada ee u dambeeyay macnaheedu in aanay ahayn iney Ururo is-ku-diiwaangeliyeen, in aanay ahayn inay noqdeen urur, in aanay macnaheedu ahayn iney noqdeen Xisbiyo ku-meel-gaadh ah. Haddii ay arimahaa Guddidu iftiimin waydo waxaanu u qaadanaynaa iney garab-siinayso ma-jare-habaabinta muxaafidka, anagana wax nagu khasbayaa ma jiraan in qodobkaa maamul aanu fulin madaama wax alla wax naga soo gaadhayaa aanay jirin.
Allaa Mahad leh
Xamse C. Khayre
Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska
Xisbiga Waddani
Lifaaqa: Qodobka 5.3(b) ee Xeer 14/2011
May be an image of text