Masuul sare oo ka mida Qoyska Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo u Hanjabay Maraykanka+Jihad uu sheegay inay ku qaadi doonaan Reer Galbeedka

Sacuud al-Shaclaan

Xilli uu meel adag marayo xiriirka ka dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Maraykanka, ayaa nin ay ilma adeer yihiin dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan waxa uu jeediyay hadal goodin ah oo ka dhan ah Reer Galbeedka.

Sacuud al-Shaclaan oo ah hogaamiye beeleed uu awoow u yahay Boqor Cabdulcasiis-kii asaasay Boqortooyada hadda jirta, ayaa ka soo muuqday baraha bulshada, isagoo farriin u diraya “Reer Galbeedka”, waxaana uu sheegay in cid kasta oo khatar galisa jiritaanka Boqortooyada lagu jihadi doono.

Farriinta ayu uku sheegay luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska.

Maraykanka iyo Sacuudiga oo sanado badan xulafo ahaa ayaa hadda xiriirkoodu waxa uu marayaa meel adag, kadib markii xukuumadda Riyaadh ay taageertay go’aan uu ururka Opec+ ku dhimayo soo saaridda shidaalka.

Xukuumadda Washington ayaa doonaysa in Sacuudiga iyo dalalka kale ee ka midka ah Opec+ ay sare u qaadaan so saaridda shidaalka, si caalamka uu uga baxo xaaladda ka dhalatay duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Arbacadii la soo dhaafay, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu dib u qiimeyn ku sameyn doona xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudi Carabiya, kadib markii uu ururka Opec+ shaaciyay todobaad ka hor inuu dhimayo soo saaridda shidaalka.

John Kirby oo u hadlay Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray ururka ay ku midaysan yihiin dalalka soo saara shidaalka uu horseeday tallaabada uu qaadayo dalkiisa.

“Madaxweyne Biden waxa uu si cad u sheegay inuu doonayo in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka aanu la leenahay Sacuudiga, gaar ahaan marka la eego go’aanka OPEC+,” ayuu Kirby ku yiri waraysi uu siiyay CNN.

Maraykanka ayaa u arka go’aankaas lagu dhimayo soo saaridda shidaalka mid dan u ah Ruushka, oo shidaalkiisa laga xannibay qeybo kamid ah caalamka, cunaqabateynta saaran dalkaas awgeed.

Kirby ayaa intaa raaciyay in Madaxweyne Biden uu kala shaqeyn doono Congress-ka dalkiisa sidii wax looga bedali lahaa heshiisyada uu waddankaas haatan la leeyahay Boqortooyada Sacuudiga.

“Ma aha arrin ku kooban dagaalka Ukraine ee waxa ay sidoo kale taabanaysaa danaha amni ee Maraykanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Biden iyo bin Salmaan
Biden iyo bin Salmaan

Go’aanka Opec+ ayaa sare u kac ku keeni kara qiimaha shidaalka ee gudaha Maraykanka, iyadoo dalkaas ay doorashada xilliga dhexe ka dhici doonta bisha November.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa doonaya in Washington ay hakiso heshiiska iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Sacuudiga, isla markaana la joojiyo hubka uu Maraykanka ka iibiyo xukuumadda Riyaadh.

Senatar Bob Menendez oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ahna gudoomiyaha golaha xiriirka dibedda ee aqalkaas ayaa ku eedeeyay Sacuudiga inuu si toos ah ula saftay Ruushka oo ku duullay Ukraine.

“Ma jiro qaab aad labada dhinacba u wada taageeri karto. Waa in aan la safato dunida inteeda kale ee doonaysa in laga hortago dembiile dagaal oo uu ujeedkiisu yahay inuu tirtiro dal dhan, mise in aad isaga taageerto. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo eeganaysa dano dhaqaale ayaa qaadatay go’aanka dambe,” ayuu yiri Senatar Menendez.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhammaan iskaashiga uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga.

Hadalka Sacuud al-Shaclaan ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadallada ka soo baxay siyaasiyiinta Dimuqraadiga.

Haddii la yareeyo soo saaridda shidaalka, waxaa markaa sare u kacaya qiimihiisa, taasoo dan u ah dalalka dhoofiya ee ay kamidka tahay Boqortooyada Sacuudiga.

Arrintan ayaa caqabad ku ah Madaxweyne Biden oo bilihii la soo dhaafay waday dedaallo uu ku wanaajinayo xiriirka kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga.