Masuul Xisbiga WADDANI ka Tirsan oo u Jawaabay Wasiir Cali Mareexaan

Hargeysa(Qarannews)-Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada XIsbiga WADDANI Cabdirashiid Axmed Iidle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hadalkii Suldaan Maxamuud Guulleed Mire uu kaga hadlay colaada la gelinayo Beesha bariga Burco, waxaanu tilmaamay in hadalkii Suldaanku ahaa mid munaasib ah.

Xoghaye ku xigeenku wuxuu sheegay in uu ka xun yahay in Cali Mareexaan lagu qasbay inuu u jawaabo suldaankiisa maadaama oo madaxweyne Muuse uu hore u maagay suldaankiisa. Waxaanu xusay in dhaqanka xukuuumaddu noqday in la aflagaadeeyo madax dhaqameedka.

Sidoo kale Cabdirashiid Axmed Iidle wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Kulmiye ay qorshe hawleedkeedii ku dartay 2017kii dhismaha jidka u dhexeeya Wadaamo-goo ilaa Qorilugud, hase ahaatee ay ku fashilantay isla markaana dadka deegaanku qaadhaan ay iska gureen ku soo iibsadeen gaadiid iyo Agab ay waddadaas kaga shaqeeyaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay hagardaamaysay in jidkaasi aanu dhismin.