Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia
Xoghayaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xisbiga WADDANI Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa kulan casho iyo is xog-waraysi ah la yeeshay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Larry André oo ku sugan Caasimadda Maraykanka ee Washington D.C.
Sidoo kale waxay masuuliyiinta Xisbigu la kulmeen Michael D. Fools oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka waaxda Afrika gaar ahaana xafiiska qaabilsan Soomaalida.
Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo diblamaasiyiinta Maraykanka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadda iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada, dhaqaalaha iyo horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.



