Munaasibad Hadhimo sharafeed ah oo loo sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ka soo diggarogtay Xisbiga Ucid kuna soo biiray Xisbiga WADDANI iyo tageerayaal kala duwan oo ka kooban Heer gobol iyo Heer degmo.
Munaasibadan qado sharafta ah waxa ka qayb galay Xoghayha Dawladaha Hoose Mukhtaar yuusuf Mingiste,Xoghayha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf tadhase,Xoghayha gobolka maroodi jeex Mawliid Muuse Dacar,Xoghayha abaabulka iyo wacayigelinta garabka dhallinyarada heer qaran Khaalid Xayle iyo masuuliyiinta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed mooge.
Masuuliyiinta lagu soo dhaweeyey Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiinta xisbiga oo madasha ka hadlayba waxa ay isla qaateen in xiligan ay muhiim tahay in Isbedal uu Dalka ka dhaco.











