Madaxweyne Ismail cumar geelo oo amrey in
Baasaboorada dadkii uu hore u siiyey.
Dawladda Jabuuti ayaa baasaboorkii kala noqotay masuuliyiinta xukuumadda #Somaliland iyo xisbiga Kulmiye.
Dalka Jabuuti ayaa nidaamka ka saaray in ka badan 100 baasaboor oo ay haysteen masuuliyiinta Somaliland. Tan iyo sanadkii 2010-kii, maamuladii kala dambeeyay ee Kulmiye ayaa mas’uuliyiintooda ka qaatay baasaboorka Jabuuti muddo 3-sano ah, iyadoo ay gaartay heer ay mas’uuliyiintani sidoo kale ku qaataan baasaboorka Jabuutiyaanka iyo qoysaskooda iyo taageerayaasha Kulmiye.
Ma cadda in Jabuuti ay sidoo kale Baasaboorka kala laaban doonto dad badan oo shacab ah oo sita Baasaboorka Jabuuti iyo in tallaabadani ku kooban tahay masuuliyiinta maamulka Madaxweyne Muuse. Tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka labada dawladood, Djibouti waxay qaaday tallaabooyin is daba joog ah oo ay ku doonayso inay cadaadis ku saarto Somaliland.
Maxamed Caalin