Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” ayaa shaaciyey in wax danbi ah lagu waayay masuuliyiintii iyo xubnihii Dowladda Hoose ee Burco oo dhawaan xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku xabsiga u taxaabay, kadib markii lsgu eedeeyey musuqmaasuq lunsi hanti dadwayne.
Waxaana Guddoomiye Ramaax sheegay in ay soo baxayso warqadda lagu caddeynayo arrintaas, xilli uu ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey arrintaas.
“Waxba waa lagu waayay shaqaalihii dowladda hoose Burco, qoraalkeediina wuu soo baxay, shaqaalihiina la xidhayna dib ayay ugu noqdeen shaqadoodii hawshaasina hawl dhamaatay ayay noqotay oo waxay ku dhamaatay in wax la saxo wixii qaldan”Guddoomiyaha Gobolka Togdheer





