Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaadheen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, ka dib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

“Dowladda Puntland waxay halkan ku hakisay dhammaan wadashaqeyntii iyo xidhiidhkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay saqdii dhexe.

Xidhiidhka waxaa dib loo soo celin lahaa oo kaliya haddii Muqdisho ay “soo celiso oo ay raacdo dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka”, iyo sidoo kale wadatashiyada ku saabsan arrimaha amniga iyo xaqiijinta in si cadaalad ah loo qaybiyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan, ayaa intaa lagu sii daray.

Sidaas oo kale waxay Puntland sheegeen inay u dhaqmayaan “sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin” sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay.
Maxaa ka dhalan kara go’aanka Puntland?
Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa soo taagnaa in muddo ahba, waxaana dadka u dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya ay sheegayaan, in saameyntiisa uu wato go’aankan ugu dambeeyay ee Puntland.

Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka.

Haddaba aan eegno dhowr arrimood oo go’aankan uu saameynayo.

Dhaqaalaha
Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo haya’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, inkasta oo xidhiidh koodu xumaa labada dhinac haddana ay Puntland lumin karto fursaddaas, maaddaama ay gabi ahaanba hadda jartay xiriirkii dowlada federalka.

Puntland ayaa sidoo la xasuustaa inaysan kaalin weyn ku lahayd heerkii dayn cafinta muddooyinkii danbe laga soo bilaabo muddo xilledkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan helin kaalmadii beesha caalamku siiyeen Soomaaliya qaybtii ay ku lahaayeen sida uu BBC-da horaan u sheegay wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Waxbarashada
Tani waa qodob kale oo muhiim u ah Puntland, marka la eego kaalinta ay ku leedahay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalalka ka taageera waxbarashada.

Inkasta oo Puntland iyo dowladda federalka isugu maandhaafeen xal u helidda arrintaas, oo ayba dowladda dhexe hakisay deeqaha waxbarasho ee Puntland ka heli jirtay dowlada federalka xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, haddana tani waa caqabad ay mar kale la kulmi karaan ardayda deegaanadasi sida uu BBCda u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Arrimaha bulshada
Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka kaliya ma saamayn dhanka siyaasadda oo kaleiya, basle waxaa kale oo saamayn togan uu ku yeeshay arrimaha bulshada.

Puntland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aan ka qayb galin ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo ka dhacay Muqdisho, sababo ay ku tilmaameen inay kala heshiin dowladda dhexe hannaankaas sida uu horaan BBC u sheegay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid.

Waxyaabaha uu dhaawici karo khilaafka cusub ee labada dhinac

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday xilligii xukuumaddii Cabdirixmaan Maxamed Faroole, ka dib kala aragti duwanaan ka dhalatay hannaanka wada shaqaynta ilaa xilligaas marnaba ma fiicnayn wada shaqaynta Garoowe iyo Muqdisho sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo arrimaha Soomaaliya ka faallooda wasiirna ka soo noqday dowladda dhexe.

Wuxuu Mukhtaar sheegay in qodobbadan yihiin kuwa dibu dhac uu ku imaan karo haddii uu sii socdo khilaafadka ragaadiyey dhinacyada.

Mideynta canshuuraha
Soomaaliya ayaa hadda maraysa heer falanqeeyasha dhaqaalahu ay ku tilmaameen mid soo kabasho fiican ah ka dib markii dalalkii daynta ku lahaa Soomaaliya ay ka cafiyeen.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu biirtay daladda bulshada bariga Afrika taas oo ah madal dhaqaale oo xoog leh. Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar tani waxaa ku imaan kara dhibaato haddii aysan dowladda dhexe la imaan midaynta canshuuraha dalka.

Puntland ayey deegaannadeeda ku yaallan ilo dhaqaale oo muhiim u ah dalka.

La dagaallanka al-Shabaab
Madaxeynaha Soomaaliya ayaa ajandayaashiisa hor tabeninta leh kaalinta hore ka galiyey in Soomaaliya laga cirrib tiro kooxda al-Shabaab oo muddo dhowr iyo toban sano ah dagaal kula jirta dowladda.

“Dagaalka dowladdu kula jirto al- Shabaab waxyaabaha muhiimka u ah waxaa ka mid ah in la helo kalsooni iyo wadajir, lagana wada shaqeeyo sidii looga adkaan lahaa, marka taas qudheeda waxaa ku iman kara dibu dhac weyn” ayuu BBC u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Xiisadda Soomaaliya kala dhaxaysa Itoobiya
Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii diblomaasiyadeed ee ugu weynkaa ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeeya dowladda Itoobiya.

Xiisadda labada dal ayaa timi ka dib markii Addis Ababa ay heshiis ku wada gaareen Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaas oo si weyn uga caraysiisyey Muqdisho.

Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBCda u sheegay in khilaafka hadda ee Puntland iyo dowladda dhexe uu saamayn ku yeelanayo arrintaas maaddaama sida uu sheegay loo baahnaa midnimo gudaha oo Soomaaliya dhexdeeda ah.

“Waxaan is leeyahay arrintan iyo doorkii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kaga jawaabtay ay ahayd mid ay ku heshay dowladda federalku kalsooni ummadeed basle taas waxaan is leeyahay waxay wax gaarsiin kartaa waxa hadda taagan” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Gurey.

Xaggee laga aadaya halka la joogo?
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar, waxaa wakiillada beesha caalamku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda.

“Beesha caalamku waxay isku dayi doonaan inay culays ku saaraan labada dhinac sidii loo wada hadli lahaa oo laysu soo jiidi lahaa balse khilaafka ayaa u muuqda inuu taagan yahay meeshii u dambaysay” ayuu yiri Maxamed.

Sidaas oo kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilligan laga gudbo khilaafadyada

“Soomaalinimadu in la kala tago maha, dani kuma jirto, caqli maaha, waxaan aaminsanahay in markasta laysaga soo dhawaado arrintaas” ayuu yiri Gurey.

Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ee Puntland kaas oo salka ku yahay wax ka mida qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.

Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

bbcsomali