Donald Trump iyo Kamala Harris ayaa fooddda isku daray dooddii ugu horreysay ee telefishinka laga sii daayo ee ololaha doorashada Mareykanka.
Muddo 90 daqiiqo ah oo inta badan la isweydaarsanayay hadalo xamaasad ay ku dheehan tahay, waxaana doodda ay ku qotontay arrimaha muhiimka sida dhaqaalaha, socdaalka iyo ilmo iska soo rididda.
BBC ayaa xaqiijin iyo baaritaan ku sameysay qodobada qaar
Soogalootiga Ohio ma waxa ay cunayaan xayawaanka rabaayada ah?
Trump waxaa uu ku andacooday: Springfield “Dadka soo galootiga ah [muhaajiriin] waxay cunayaan eeyaha, dadka soo galay, waxay cunayaan bisadaha, waxay cunayaan xayawaanka rabaayada ah ee dadka halkaas ku nool”.
Xaqiiqada: Ma jiro wax caddaynaya in tani ay dhacday.
Hadalka Trump waxay daba socotay sheegasho aan sal iyo raad toona lahayn – oo uu la wadaagay musharraxa madaxweyne ku xigeenka JD Vance – oo ahaa in muhaajiriin ka yimid Haiti oo dhowaan degay Springfield, Ohio, ay cunayeen xayawaannada rabaayada ah.
Saraakiisha magaalada Springfield ayaa u sheegay BBC Verify: “Ma jiraan warar lagu kalsoonaan karo ama sheegasho gaar ah oo sheegaya in xayawaanka la dhibaateeyo, la dhaawacay ama ay ku xad-gudbeen shakhsiyaad ka tirsan bulshada soogalootiga.”
Shaqo la’aant xilligii Trump ma ahayd tii ugu darnayd tan iyo 1930-kii?
Harris: waxay ku andacootay“Donald Trump wuxuu nooga tagay shaqo la’aantii ugu xumayd ”.
Xaqiiqada: eedeyntan waa mid been ah oo aan waxba ka jirin
Dhammaadkii muddada xafiiska Trump ee Janaayo 2021, heerka shaqo la’aanta ayaa ahayd 6.4%.
Ma ahayn xilligii Trump waqtigi ay shaqa la’aantu ugu badnayd ee waxaa jiray bishii Oktober 2009, shaqo la’aantu waxay kor u kacday 10% xilli hoos u dhac dhaqaale uu ahaa mid si aad ah u qoto dheer.
Waxay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacday markii lagu guda jiray cudurkii safmarka ahaa ee Covid, halka xogtii ugu dambeysay ee August 2024, ay muujinayso in shaqo la’aantu ay gaartay 4.2%.
ay dareemi doonaan dalal shisheeye laakiin dhaqaalayahanadu waxay rumeysan yihiin inay jiri doonto kharash dhaqaale oo soo dejinta iyo macaamiisha Mareykanka ah.
Tirada $4,000 waxay ka timid falanqaynta – oo ay soo saartay xarunta bidix ee xarunta dhexe ee horumarka Maraykanka – ee ballan qaadkii Trump ee ahaa in la kordhiyo canshuurta dhammaan badeecadaha la soo dejiyo ilaa 10-20% iyo dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha ilaa 60%.
Waxay qaateen cadadka uu Maraykanku badeecadaha uga soo iibsado dibadda sannadkii, waxay qiyaaseen inta ay le’eg tahay cashuuraha cusub ee alaabtan waxayna u qaybiyeen tirada qoysaska Maraykanka.
Waxay muujinaysaa $4,600 qoyskiiba, laakiin markaad eegto qoysaska “dakhliga dhexe” waxay ka dhigan tahay tiro dhan $3,900 sanadkii.
Qiyaasaha kale ayaa hooseeya. Machadka Peterson wuxuu qabaa in saameyntu ay ku dhowdahay $1,700 sanadkii (haddii ay noqoto canshuurta 10%) ama $2,500 haddii ay noqoto (20%).
Denbigu miyuu hoos ugu dhacay Venezuela sababtoo ah waxay dambiilayaal u soo dirsadeen Maraykanka?
Trump: “Dambigii Venezuela… hoos ayuu u dhacay sababtoo ah waxay dembiilayaal ka soo qaadeen waddooyinka oo ay siiyeen [Harris] si ay u soo geliyaan waddankeena”.
Xaqiiqada: Ma jirto wax caddaynaya in Venezuela ay tan samaynayso. Heerarka dambiyada ayaa hoos u dhacay laakiin khubarada ayaa sheegaya in tani ay sabab u tahay xaaladda dhaqaalaha.
Dawladda Venezuela ma daabacdo tirooyinka dembiyada oo la isku halayn karo, laakiin Kormeerayaasha Rabshadaha ee Venezuela ee madaxbannaan ayaa sameeya.
Warbixinta sanadlaha ah ee Observatory’s 2023 ayaa lagu sheegay in dhimashada rabshadaha wadata sanadkaas – sida dilalka – ay hoos u dhaceen rubuc marka loo eego 2022.
Kormeerayaasha ayaa u sheegay BBC Verify: “Dambigu waa la dhimay Venezuela iyadoo la dhimay fursadaha dambiyada: tuuganimada bangiyada waa la waayayaa sababtoo ah ma jirto lacag lagu xado; afduubka waa la dhimay sababtoo ah ma jirto lacag caddaan ah oo lagu bixiyo madaxfurasho.”
Waxa ay sheegtay in aanay arag wax caddayn ah oo muujinaya in dawladda Venezuela ay dambiilayaal u soo dirtay Maraykanka.
Bbcsomali