Maxaa ka jira in dadka wata baasaboor Soomaaliga laga hor istaagay inay ka cararaan dagaalka Sudan?

Dagaalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay

Dagaalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay ka dib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda.

War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Balse waxaa jirta Soomaali ku sugan Suudaan oo arday iyo shacab kale isugu jira kuwaas oo qaarkood ka soo qaxay magaalada khartuum markii uu dagaalka bilowday. Waxay hadda ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif.

Axmed Xasan Maxamed waxa uu ka mid ah yahay Soomaalidaas ka soo qaxay magaalada Khartuum kadib markii uu qarxay dagaalka Suudaan ee u dhaxeeya milatariga Sudan iyo xoogagga RSF.

Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka qadaarif oo ay ku xayiran yihiin.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da oo ay ah goorta ay ka soo baxeen magaalada Khartuum ayuu Axmed yiri:

“Waxaan magaalada khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka taas oo ku beegnayd Arbacadii la soo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya inagoo sii mareyna xadka Itoobiya balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif.”

Waxaa intaas ku daray in bilowgii ay ku soo baxeen labaatameeyo arday ah balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow-yihiin.

Maxay tahay Sababta ay ugu xayiran yihiin Qadaarif?

Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada kale sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka.

“Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana inooma ay sheegin, aniga ahaan baasaboorkeuyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa.”

“Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay hase yeeshee Saddexdaba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanayna ayaa meesha ku xayiran.”

BBC-da oo ay jawaab u raadineysa sheegashada Axmed oo u hadlayay ardayda iyo Soomaalida kale ee ku sugan Qadaarif ayaa waxaanu la xiriirnay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan….

Isagoo ka jawaabaya arrinkaas ayuu safiirka yiri: “Anaga waxaan ognahay oo bartilmaameed qaas ah oo qof Soomaalimada ama inuu wato baasaboor Soomaali ah lagu bartilmaameedsanayo ma jiro laakiin waxaan haynaa in lagu jiro xilli amarjansi ah oo ay imaan karaan caqabado gaar ah ama ha noqoto qof baasaboor ka dhacsan yahay ama ha noqoto qof baasaboorkiisa ka dhumay kuwaas oo aanu diyaar u nahay inaan xallino laakiin ma hayno macluumaad ah in Soomaalida si gaar ah loo bartilmaameedsanaya sababna ma jirto maxaa yeelay wax dambi oo gaar ah ma gelin qofka Soomaaliga.”

Dhanka kale Amed ayaa BBC u sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan maaddaamaa xawilaad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena ka go’ay.

Wareysiga ay BBC-da la yeelatay Axmed Xasan Maxamed oo dhameystiran halkan ka dhageyso.

.

Muxuu salka ku haya dagaalka Suudaan?

Milatariga Sudan iyo dad shacab ah

Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalka – oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa.

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.