Writen by Qaran News |

MAXAA KA SOO BIXI KARA BAADHITAANKA CAAFIMAADKA TRUMP? BY ABDIQAADIR MOHAMED IBRAHIM.

Malinimada Jimcaha ah waxaa madaxweyne Trump lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.
GOORMEY BILAABATEY DOODA CAAFIMADKA MADAXEYNE TRUMP?
Hadaba Doodda la xiriira caafimaadka Trump maaha mid cusub, waxayna soo billaabatay ka hor doorashadii bishii November ee uu ku guuleystay Laakiin waxay soo cusboonatey markii warqad furan oo tobannaan qof ay u direen khubarada Caafimadka maraykanka,
waxayna ku sheegen in “xanaaqa iyo u dulqaadasho la’aanta” Trump ay ka dhigayaan mid aanan sii hayn karin xafiiska.Balse, inta badan khubarada dhaqaatiirta caafimaadka maskaxda waxay diidaan inay si Tafatiran ah uga hadlaan arintan, Waxay taasi ka dhalatay sharci muddo soo jiray oo u yaalla ururka dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga ee Mareykanka APA, kaas oo la billaabay 1973.

Sharcigaas wuxuu dhaqaatiirta ka mamnuucayaa inay shacabka u soo bandhigaan wax ku saabsan shaqsi aaney horey u la kulmin warbaxibtisa.
Arinta Caafimadka madaxweyne trump waxaa dab kusii shidey Qoraaga caanka ah ee wax Ku qora bogaga wergeyska sida weyn looga akhristo gudaha dalka maraykanka, ee USA Today, Michael Wolff, ayaa qalinka u qaatay xagaagii kal hore, inuu soo uruuriyo soona bandhigo, ceebaha iyo Galdalooloyinka ubucda ka soo riday hogaankii dalkii maraykan.

Buug la magac baxay “Fire and Fury, inside the Trump White House” oo mac-naheedu noqonayo “Dab iyo Cadho, gudaha guriga cad ee Trump”:

Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa waxuu ku sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan Caafimaad qabin.
Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen
Inkastoo oo uu madaxweyne trump iska difaacay oo uu Qoraallo uu bartiisa Twitter soo dhigay ku adkaystay in deganaanshiyo maskaxeed ay tahay hantida ugu muhiimsan ee uu haysto waxa kale uu sheegay in uu yahay mid aad u xasiloon “very stable genius” waxaanu buugaagtaas laga qorey Ku Tilmaaney inay yahiin shaqo dhameystiran oo khiyaali ah ” complete work of fiction, laakiin markaad hoose usii eegto hadalisa iyo ficiladisa waxaad dareemaysaa iney wax ka SI yahiin, tusale ahaan Todobaadkii hore Madaxweyne Trump waxuu erayo laga haboon yahay ku tilmaamay wadammada Afrika, Haiti iyo El Salvador, xilli uu xildhibaanno Mareykan ah kala shirayay socdaalka waxuuna yidhi.
“Why are we having all these people from shithole countries come here?
instead bring more people from countries such as Norway” Mr Trump told lawmakers on Thursday, according to the Washington Post.

“ Maxay dadkan ka yimid dalalka uraya ee qudhmay ee godka xaarka ah u eg (El Salvador, Haiti iyo Afrika) ay maraykan u doortaan inay u yimaadaan, maxaynu u keeni waynay dadka reer Norway”
Guntii iyo gebagebada. war aan fiicnayn iyo mid fiicanba wuu heli karaa Madaxweyne Trump laakiin khubaradu Caafimadku waxay sheegayaan in uu fursad yar haysto markaad eegto Sida uu wax u cuno oo aad u xun iyo dadiisa oo weyn, baadhitaanku waxa laga yaaba inuu ka dhaco Walter Reed military hospital in a Washington suburb maalinta jimcaha waxaana la filanayaa in dadweynaha loo soo gudbiyo laakiin TRUMP waxa uu dalban karaa in dib loo dhigo.
waana baadhitaankii caafimaad ee ugu horeeyey ilaa iyo markuu aqalka cad uu yimid (white house).
BY Abdikadir Mohammed Ibrahim

Dhamaan maqaalada ku Soo baxay shabakadani ma aha kuwo ka socda shabakada ee waa mid ka mid ah arigtida akhristayaasha.