Maxaa Keenay in Madaxweynuhu Arrinta Xisbiga Waddani guddihiisa si hoose uga hadlo?

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa qorshihii qabashada Madaxtooyada oo uu dhawr jeer ooh ore uu si cad u ballan qaaday oo dib uga gurtay markii laba qodob oo aanu filayn dhacdeen, kuwaas oo kala ahaa Doorashadii isku sidkanayd ee lagaga guuleystay aqlabiyad Golaha Wakiillada iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, qodobka kalena waxa uu ahaa wareejintii Murrashax Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIrro, uu guddoomiyenimadii Xisbigaasi ku wareejiyey Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Hoggaamiyihii Xisbiga Waddani.
Labada qodob, ha sii xooganaato ta dambe, waxa ay kala daadisay qorshihii Madaxweyne Muuse Biixi uu ku doonayey inuu mar kale ku tartamo, isla markaana wakhtigeeda ku qabto doorashada Madaxtooyada.
Qodobkan waxa uu u arkay Madaxweyne Biixi mid khatar ku ah qorshihiisa, madaama oo Isbahaysigii Deegaankiisa iyo Deegaanka uu Xirsi ka soo jeedo ay dhantaali karto Guddoomiyenimada uu Xirsi ka helay Waddani.
Tani waxa ay ku dhalisa Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye inuu Miiska keeno Furista Ururrada Siyaasadda, isla markaana uu ka daba yimaado warqad uu Golaha Wakiillada u qoray oo uu ku sheegay in Wax ka beddelka iyo Kaabista Xeer 14/2021-ku uu yahay mid ka hor imanaya distuurka iyo doorashooyinka Madaxtooyada.
Waxa kale oo Madaxweynaha arrintan Ururrada ku dhiiri geliyey sida xog wakhtigaasi la helay sheegeen Wasiirro iyo xubno ganacsato ah oo ka soo jeeda Deegaanka Murrashax Cirro oo aan ku qanacsanayn wareejintii Waddani ay u sheegaan Madaxweynaha in Cirro xisbigii Wareejiyey, isla markaana arrintaasi loo baahan yahay in la furo, waa meesha arrinta furista Ururradu ka ukuntay, inkasta oo sharci jideeyey, haddana celintii Xeerka ee Golaha waxa ka go’nayd doorashada Madaxtooyada.
Maxaa dhacay markii la gaadhay wakhtigii Ururrada
Dalka waxa ka istaadhmay khilaaf culus dabayaaqadii sannadkii hore ee 2021-ka, kaas oo asalka ku hayey arrinta Ururrada Siyaasadda, taas oo u dhaxaysay Mucaaradka iyo Xukuumadda.
Arrintan Ururrada furashada Ururada Siyaasadda waxa uu filayey Madaxweynuhu in ololayntooda ay qayb weyn ka qaadan doonaan Dad miisaan leh oo ka soo jeeda Deegaanka Murrashax Cirro, laakiin sidii Xukuumaddu filaysay may wada noqon, oo dad miisaan badan leh arrintaasi kuma dhiiran, illaa uu xilli dambe uu Dr. Gaboose oo hore u sheegay inuu siyaasadda ka fadhiistay uu ku dhawaaqay Urur Siyaasaddeed.
Ku dhawaaqistii Ururka Dr. Gaboose madaxda ka yahay ee Barwaaqo, waxa uu mucaaradada adag kala kulmay Dadka isla Deegaanka uu ka soo jeedo Gaboose, kuwaas oo u arkay mid lagu doonayo in lagu wiiqayo Xisbiga Waddani, waxaanay taasi beddelkeeda xoogaystay taageerada Xisbiga Waddani, oo furfurkii la filayey inuu ku iman karo Xisbiga Waddani haddii Ururrada la furo, waxbay u wareegtay dhinaca Kulmiye oo inta ugu badan Ururrada Siyaasadda ee is diiwaan geliyey dadka furtay ay yihiin dad ka soo jeeda Deegaannada laga taageero Xisbiga Kulmiye.
Hadalka Madaxweynaha ee caawa waxa uu bannaanka u soo saaray waxyaabo qarsoonaa, balse hadal hayntoodu suuqa ku jirtay oo ah in Isbeddelkii ka dhacay Guddaha Xisbiga Waddani ay ka lumisay jahadii Siyaasaddeed ee uu markii hore uu qorshaystay.
Waxa Qoray

Weriye Saleebaan Xaashi