Maxaa Kulmiye u sanqadhay?

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa u muuqday dhexda kaga jira xaaladda siyaasaddeed oo filashadii uu hore uga qabay, dhiniciisa isku rogtay mustaqbalkiisana halis gelin karto.
Xisbiga Kulmiye, ayaa dhinaciisa ka bilaabay Olole la mid ah ka ay Ururradu ku doonayaan In ay ku soo bandhigaan tirada kunka qof ee laga doonayo, iyada oo la sheegay inuu Kulmiye Gobollada dalka u diray Guddi soo qiimeysa xaaladda Xisbigaasi ku sugan yahay, isla markaana ay ka kulmaan taageerayaashii Xisbigaasi uu ku lahaa Gobollada oo meelaha qaarkood ay muuqato in Siyaasiyiinta Ururrada qaarkood saameyn xooggan ku yeesheen.
Haddaba maxaa keenay shakiga sababay In Guddi qiimeyn ah loo diro Gobollada, iyada oo gobolkii u horreeyey ee ay tageen uu noqday Saaxil.
Maxaa Kulmiye u sanqadhay.?
* Xisbiga Kulmiye, waxa uu arkay In Ururrada cusub ee saaxadda soo galay ay khatar weyn ku yihiin mustaqbalkiisa
* Waxa uu arkay daawadayna in deegaannadii laga taageerayey 20-kii sanno ee u dambeeyey 10 Urur oo ka mid ahi 14 Urur ee tartanka is reebreeb ku jiraa ay yihiin kuwo saameyn ku yeeshay taageerayaashiisii deegaannada uu codadka ka heli jiray.
* Waxa uu arkay in mid ka mid ah Ururadan oo ah Ururka Kaah mid saameyn weyn ku yeelan kara Mustaqbalkiisa, madaama oo Hoggaamiyaha Ururkaas iyo Xubnaha Hoggaankuba yihiin kuwo Kulmiye ahaan jiray oo Ururkaas aasaasay, saameyn weyn ku leh deegaannadii Kulmiye laga taageeri jiray.
* Kulmiye waxa uu is arkay wakhti doorashooyin taagan yihiin iyo duruufaha ku gedaaman Hoggaanka Xisbigaasi, oo aanay weli ka jawaabi karin, Yaa Guddoomiyaha Xisbiga noqon doona, Yaa murrashax noqon doona?
* Kulmiye waxa uu arkay in Fursadii Furista Ururrada oo ay u arkayeen mid si weyn u dhaawici karta taageerada Xisbiga ay sida weyn u xifiltamaan ee Waddani in sidii ay filayeen aanay noqon, balse saameynta ay iyaga ku yeelatay ay arkeen.
Saleebaan Saxansaxo.