Writen by Qaran News |

MAXAA LAGU XASUUSAN DOONAA XISBUL XAAKIMKA KULMIYE?
QORMADA 2AAD……
WAAXDA DAMBI BAADHISTA “CRIMINAL INVESTIGATION DEPARTMENT “
QORAALKA: CABDIRAXMAN YACQUB XASAN

XISBIYADU SIDOODABA XEELAD MAAHA
LAGU TAGO XARUMAHA XATOOYADA
“Qoraa: Boobe Yuusuf Ducaale “

Waa maxay CID?
Waa waaxda Dambi Baadhista “Criminal Investigation Department” waxayna gacansiisaa Hay,addaha Garsoorka
Waa maxay Shaqada CID
1. Ururinta iyo Baadhida walxaha loo adeegsaday fal dambiyeedka
2. Baadhista shakhsiyaadka la tuhunsan yahay
3. Su,aalo weydiinta iyo Wareysashada Dhibanaha , la tuhunsan yahay iyo Goob joogaha
4. diyaarinta dhamaan macluumaadka ku saabsan fal dambiyeedka
5. U gudbinta natiijada hay,addaha Garsoorka

WAAXDA DAMBI BAADHISTA SOMALILAND IYO HANAANKA SHAQO
Waaxda Dambi Baadhistu waa waax ka tirsan ciidanka bileyska waxayna leedahay taliye u gaar ah sidoo kale waxay ka hawl galaan dhamaan saldhigyada dalka ku yaala . Heerka aqooneed iyo xirfadeed maaha mid koraysa ama la jaanqaadi karta fal dambiyeedyada casriga ah ee lagu fuliyo hababka kala duwan , sidoo hanaanka baadhitaan ee waaxyadani maaha mid nidaamsan ama aqoonaysan .
TUSAALE
Abaaro 5:20 ee galabnimo Mar aan saldhiga Bari ee magaalada Borama ku booqday eedaysane ku xidhan xalkaa ayaan la kulmay xili su,aalo iyo wareysi ku saabsan sidii ay wax u dhaceen waxaanan arkay in baadhaha iyo qolka baadhistuba ayna ahayn mid ku haboon arimaha CID . Baadhuhu wuxuu ahaa mid qaad cunaya oo waliba u fadhiya sida badiyaa loogu fadhiisto qaadka sidoo kale xaalada goobta baadhitaantu dhacayay waxay ahayd sidan baadhuhu wuxuu u fadhiyay qaad la baadhuhuna wuxuu ku fadhiyay kursi nooca loo aqaan Form baadhaha waxaa agtiisa badhiyay wiil ay asxaab yihiin oo mar marka qaarkood la wadaagayay hadalada baadhaha , kama dambayntii baadhuhu ma helin xogta rasmiga ah ee ku saabsan fal dambiyeedkii dhacay iyo siduu ku dhacay . su,aashu waxay tahay sidan
1. Akhriste maxaa ka qaldan ayaad odhan kartaa baadhitaankaa?
2. Hanaankani baadhitaan ma anfici karaa Hay,addaha Garsoorka ?

XIDHIIIDHKA KA DHAXEEYA DAMBI BAADHISTA IYO CADAALADA
Weedhan ah CADAALAD waa wwedh markaad maqasho ama aad akhristo waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya in waxa laga hadlayo uu yahay hay,addaha garsoorka ee maxkabadaha laakiin akhriste maanka ku hay in maxkabaduhu yihiin go,aan gaadhayaasha oo qudha sidoo kale qaladka iyo cadaalad daradu kuma eeka oo qudha hay,addaha garsoorka laakiin waxaa jira hay,add iyo waax abuuri karta cadaalada ama cadaalad darada ka dhacda maxkabadaha dalka waana WAAXDA DAMBI BAADHISTA sobobtoo ah waaxdani waxay u qaabilsan tahay keenida habka uu u dhacay fal dambiyeedku waxaynu ognahay in garsooruhu uu yahay bini aadam aanu ogyahay waxa loo sheegay oo qudha. Hadaynu dhankaa ka eegno CID du waxay noqonaysaa furaha cadaalad darada ama cadaalada labada sidii loo isticmaalo sidaa daraadeed aqoonta iyo xirfada baadhuhu mayna noqonayn mid u muhiima cadaalada .
MUXUU KA QABTAY XISBUL XAAKIMKA KULMIYE WAAXDA DAMBI BAADHISTA
Ma jirto wax ka qabad muuqda oo ay xukuumada haatan talada haysaa ka qabatay waaxda dambi baadhista iyo xarumaha dambi baadhista waxaase jawaab u baahan su,aashan ah Musharax u taagan jagada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi
1. maxaa uga qorshaysan waaxda dambi baadhista iyo hawl wadeenadeeda ?
2. Isbadal intee leeg ayuu ku samayn doonaa ? ma mid xilka qaadis mise aqoonteed ?

Lasoco Toddobaadka dambe Falanqaynta ……………..
1. waa maxay Special Protect Unit ?
2. Yaa Aasaasay SPU?
3. Waa maxay Hawl galada SPU?
4. Maxay ka qabatay Xukuumada Kulmiye SPU ?
Contact
Name: Abdirahman Jacob Hassam
Title: Security Manager
Tell: +252634807177
E-mail: jacobhassam@gmail.com