Writen by Qaran News |

MAXAA U XAL AH SICIR BARARKA BAAHSAN EE KU HABSADAY SOMALILAND .

HORDHAC

Sicir bararku sida magaciisaba ka muuqata waa korodh , waxaa kordhaya qiimaha maciishada gaar ahaan kuwa loogu isticmaalka badanyahay ee loo yaqaano daruuriyaatka.

Sicir bararka Somaliland ka jiraa waa mid imika mudo badan soo jiray oo laga yaabo inay ku simantahay ugu yaraan laba sano, laakiin mudooyinkii ugu danbeeyay ayuu si xawli ah oo xawaarihiisu sareeyo u xaalufiyay umada reer Somaliland ee danyarta ah gaar ahaan beeralayda, gacsatada ku xidhan dekadaha ee wax kala soo daga iyo macaamiisha oo iyagu ah dadka shacabka ah ee wax iibsanaya . markaa macnaha guud ee sixir bararku yeelanayaa waa “ lacag badan oo ku siman Alaab yar “. Waxaa kala badanaya miisaanka lacagta aad xambaarsantahay iyo maamuuska ay ku leedahay suuqa oo wax badan kuu goyn mayso.

MAXAA KEENA HADABA SIXIR BARAKRA

Sixir bararkan baahsan ee Somaliland ku habsaday maaha mid iskii u imanaya ee waxaa keenay asbaabo caalimiya oo aduunyada aynu la wadaagno iyo qaar inaga farsamo xumaan inooga imanaya

Haddaba Marka laga hadlayo arimaha keena sixir bararka ee wadama dunida sadexaad oo aynu ka midnahay aad bay u badanyihiin waxase ugu muhiimsan labadan Falsafadood ee kala ah ‘’ Demand pull infilation iyo Cost Push infilation . Aan ku horayno deman pull infilation ,

Somaliland waa wadan curdin ah oo aan wali haysan aqoonsi caalami ah oo inta badan dhaqdhaqaaqiisa dhaqaale kama muuqato koriiin dhinaca wax soo saarka ah habase ahaatee aragtidani waxay uga dhex muuqanaysaa si dadban oo ay ka mid tahay .

i. Supply of Money ( Daabacaada lacagta Somaliland shillings)

Somaliland dhawaan waxay kasoo baxday doorashooyiin kii heer madaxwayne ee dalka ka qabsoontay 13.11.2017 wakhtigaa doorasha Somaliland waxay gashay olole doorasho oo xoog badan oo loosoo daabacay lacag badan oo Somaliland shillin ah . Lacagtaas doorashada loo isticmaalay waxay galaysaa dadka magaalo iyo miyi meel ay joogaanba dabeedna waxay iskugu imanaysaa magaalooyinkii waawaynaa ee dalka si alaabo loogu gato . lacagtaasi markay magaalooyinka iskugu timaado waxaa hoos u dhacaya qiimaha lacagta somaliland waayo waxaa kala badan xadiga lacageed ee suuqa looga baahanyaay iyo lacagta suuqa taala. Taasi waxay keenaysaa qiimo dhac laxaad leh oo ku yimaada lacagta Somaliland iyo sixir barar aad u sareeya.

ii. Foreign remittance ( Lacagaha dibada ka yimaada)

Somaliland waa wadan dadkiisu inta badan ku tiirsanyihiin waxoogaa lacago ah oo dibada looga soo diro , lacagahaasi ha ka yimaadan dad qoyska ah oo biil ahaan wax ugu soo dira ama gargaar caalamiya oo haayado kasoo gala. Dadka lacagta dibada looga soo diro waxaa kordhaya iibkooda ama dalabka alaabta ay u baahanyihiin dalka gudihiisa inay ka iibsadaan , alaabtaasi ha noqoto ( Bariiska, burka, baastada, beerlayda, buskudka, dharka , qalabka qurxinta jidhka, electronic etc)

Marka dalabkaasi batana waxaa imanaysa in ay keento sixir barar waayo waxaa kala badanaysa alaabta ay dalbanayaan guud ahaan dadku iyo alaabta suuqa taala ee u diyaarka ah in la iibiyo . halkaana wax aka imanaysa sixir barar baahsan.

iii. Consumption habbit ( dhaqanka nololeed ee bulshada reer Somaliland).

Wadankeenu wuxuu ka midyahay wadamada dunida sadexaad oo wali xataa aan soo galin bahwaynta caalamka oo wali aan yelaan nimdaan wax soosaar oo habaysan isla markaana jaangoyntiisa iyo jaritaanka baahida dhexdiisa taala aan si fiican uga turjumi Karin . Arimaha Jaangoynta baahdida u dhaxaysa shicibka iyo suuqa gudaha iyo shacabka iyo suuqa caalamka ayaa kala batay taasi waxay keentay in maanta dhalin yaradeenii ay ku daydaan dhaqanka dadka wadamada horay u maray jooga , oo ay rabaan inay qaataan dharkooda, mobile ka nuuca ay wataan iyo social media yaha ay isticmaalaan , taasina waxay keentay wax la yiraahdo Demostrations effect oo iyada lafteedu qayb wayn ka ah sixir bararka manta hadheeyay dhulkeena. Marka arintaasi timaado waxaa lagu qasbayaa dadkii ganacsatada ahaa inay keenaan Alaab aad u qaaliya oo dadka intooda badani aanay awoodi Karin inay iibsadaan maxaa yeelay waa alaabtii laga iibin lahaa dadka lacagta jeebkooda ku jirtaa adagtahay oo intooda badan ku nool dunida koowaad ( developed countries).

iv. Government spending ( kharashaadka dawlada )

Sida aan la wada socono wadanka inta badan waxaa ka jira mashaariic badan oo ay ka midyihiin dhismayaasha wadooyinka, guryaha , biyo xidheenada iyo xarumaha caafimadka . waa wax fiican oo horumar ah laakiin waxa loo baahanyahay in la xadeeyo oo la isku miisaamo horumarka dalka iyo xasiloonida dhaqaalaha waayo haddii taa la samayn waayo waxaa imanaysa in sixir bararku sii kordho. Maadaama hawlahan intooda badan lagu maal galiyo laba dariiqadood oo kala ah tabaruucaadka ay bixiyaan bulshadu iyo qandaraasyo laga helo haayado shisheeye. Dawladuna inta badan ma xakamayso mashaariicda noocaas ah oo wakhtigan oo kale u baahan in laga warhayo kolba baahida ay suuqa ku keenayaan .

Arinta labaad oo ahayd Cost Pull infilation

Sixir bararka waxa kale oo keeni kara marka ay qaaliyoobaan Qalabka iyo hanaanka wax soo saarka ee dalku sida wages( Mushaar), Raw material ( alaabada cayriin ) iyo Petrol ( shidaalka) oo dhamaantood ka mid ah hanaanka wax soo saarka ee warshadaha iyo beeraha ee dalka .

Arintani Somaliland waxay u saamaynaysaa si dadban maadaama aanay lahayn warshado wax soo saara laakiin maciishadaha dalka yaala eek u jira silsilada dhaqdhaqaaa dhaqaalaha waxa laga soo dajiyaa dibada .

Alaabtii lasoo dajiyay ee timiday dekada berbera ama dekadaha kale ee dalku waxay intooda badan la sixir noqonaysaa alaabta wadamada horey u maray maadaama meel laga soo wada saarayo qiimiihii ay china, UAE ama Thailand ka joogtay oo Somaliland shillin loo badalay baa lagu iibinayaa , oo waliba cashuur ( tax), Transportation ( noolka keenista) iyo bacaynti ( packaging cost) lagu daray ayaa lagu iibinayaa oo manta qiime heer aad u sareeya ka joogta dhamaanba magaalooyinka somaliland oo dhan .

Ceeb iyo cadho midna malaha in alaab lasoo dajiyo laguna iibiyo dalka gudihiisa laakiin waa in dadka ganacsata ah iyo dawladu is ogaadaan oo la is jaan gooyo keenista alaabada iyo gadideedaba. Haddii taa la samayn waayo waxaa imanaysa in ganacsatadu kolba eegaan baahida dhalinyarada iyo kolba waxa iyaga ikhtiyaar galiya oo kadibna galdaloolo badan oo alabkii la iibsan lahaa ahi meeshii yimaado markaa uu bato baahida dadkii dalka deganaa oo waayay alaabtii ay qiime ahaan goyn karayeen .

Waxa kale oo dhamaantood soo hoos galaya Cost Push infilation qodobo ay ka mid ka yihiin

Devaluation of Somaliland currency ( Qiima dhac ku yimaada Somaliland shillin), sidaan horey u sheegnay daabacada xisaab la’aanta ah iyo dayacsanaanta nidaamka wareega lacagta ( money circulation ) wuxuu sababi karaa sixir barar wayn.
Un Planned cities ( Degmooyin aan qorshayn oo soo kordha )
Dawlada Somaliland waxay magacowday degaano badan oo cusub oo loo aqoon saday degmooyin inay yihiin laakiin haddana waxay culays dalab iyo baahiyeedba kusii siyaadinayaan magaalooyinka waawayn ee dalka oo dawladu waa inay yeelato karti lagu maamuli karo baahida ka jirta deegaanada ay magacawday isla markaana baahidoodu ay ku koobnaato iyaga laftooda oo aanay saamayn ku yeelan Magaalooyinka kale .

Tusaale ahaan imika degmooyinka la magacaabay waxaa ka mid noqon karta magaalada xx waxaana hoos yimaada tuulooyin badan oo kale si uu dalku u miisaanmo waa in la gaadhsiiyo maalgashigeeda iyo dhisideeda degmo ahaaneed oo laga ilaaliyo in tuulooyinka hoostaga degmo xx in baahidooda alaabeed, ama maciishadeed ay ku siyaadiyaan magaalooyinka waawayn ee dalka ka jira

TALO SOO JEEDIN ( SUGGESTED SOLUTION).

Somaliland waxay yeelatay nidaam dawladnimo oo isku filan marka laga eego dhanka , sharci dajinta, Fulinta iyo garsoorkaba oo mudooyinkaa ay madaxbanaantahayba ay kusoo taamaysay oo ay kusoo caano maashay, haseyeeshee waxa wali ka dhiman inay yeelato hanaan dhaqaale oo hufan isla markaana xakamayn kara korrodhka iyo hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland ( the stability of Somaliland currency ) . Arintaasna waxaa sabab u ah iyadoo aanu jirin baankii dhexe ee Somaliland ( Somaliland central bank) oo u shaqeeya si madax banaan isla markaana guta hawlihiisa shaqo ee ay ugu horayso xasilinta iyo xadidida xaaladaha sixir bararka ee dalka ka dhici kara.

Arinta Somaliland waxay u baahantahay in Baanka dhexe, wasaarada Maaliyada ,Ganacsatada waawayn (sida, shirkadahada is gaadhsiinta, xawaaladaha , sariflayaasha, dadka dekadaha ku xidhan ee wax kala soo daga iyo shirkadaha dhismaha ee dalka ka jira ) iyo cidkasta oo kale oo dalka dhaqdhaaqiisa dhaqaale ku lugleh ay isku yimaadaan oo ay isla meel dhigaan arimo badan oo ay ka mid yihiin ,

(a). in la kordhiyo shaqada dekada Barbara oo aad moodayso inuu ku yimid hakad waayo wadanka waxaa u warshad ah dekada Barbara waana arinta ugu wayn ee keenaysa in sixir bararku sii bato tan iyo intii dekada socodkeedu yaraaday .

Marka dekada lagu wareejiyo haayado shisheeye inay maamulaan oo ay dadkii reer Somaliland ee ama shaqaalaha ka ahaa ama maacaamiisha u ahaa ee wax kala soo dagayay yaraadaan waxaa kor u kacaya maciishad yarida iyo shaqo la’aanta oo ay hubaal tahay inay kor u qaadayaan sixir bararka manta yaala Somaliland

(b).In dawladu ganacsata meel kula ogaato kolba alaabta lala soo dagayo qiimaha lagu cashuurayo iyo qiimaha alaabta lagu gadayo markay suuqyada soo gaadho . haddii taa la samayn waayo oo ay dawladu ka war hayn waydo qiimaha iibka iyadoo kolba cashuurta la qaadayo loo eegayo miisaanka suuqa ,

(c), In xawaaladaha Somaliland kolba lacagta ay bixinayaan nooca ay noqoyso lagu qiyaaso dhaqdhaqaaqa suuqa oo haddii Qiimaha sililnka Somaliland hooseeyo lacagta ay ku bixiyaan Dollar si loo iibsado shillin ka Somaliland qiimaha dollarka hoos loo dhigo, taasi macnaheedu Waa in la isku xidho xawaaladaha Somaliland ka shaqeeya iyo baanka dhexe si baanku u xakameeyo bixinta lacagaha ay xawaaladuhu dadka siinayaan iyo kolba lacagta nooca loo baahanyahay in dadka la siiyo , imika oo kale xawaaladuhu waa inay bixiyaan lacag dollar oo suuqa dolar ka lagu soo siidaayo , Arintaana dawladu si lidi ah bay u qaaaday oo halkii laga doonayey in dadku dollarka soo saaraan baa waxay ku xukuntay in dollar ka la hayo oo saadka ama sariflayaasha lagu kaydiyo, taasi waxay keenaysaa sixir barar xoog leh oo qiimihii lacagta shilinka ayaa dhulka sii galaya oo noqonaya wax aan dib loo aamini Karin .

(d). In Baan ka dhexe iyo waasarada maaliyada iyo madaxda qaranku iska kaashadaan sidii loo soo ururin lahaa lacagta Somaliland eek u dayacan suuqa dhexdiisa iyo jeebabka shacabka ah oo ka niyad jabay isticmaalkeeda isla markaana talo mooday kaydinta lacagta iyo in jeebka lagu xajiyo. Lacagta waxaa lagu soo ururin karaa in dawladu isticmaasho. Sidoo kale dawlada iyo baanka dhexeba waxaa la gudboon inay joojiyaan daabacadaada lacagta Somaliland iyadoo aan la xadayn heerka isku badalka shillinka iyo dollarka . Arintaasi waxay yarayn doontaa lacagta Somaliland ee suuqa dhex wareegaysa isla marakaan waxay badin doontaa dollarka suuqa gabaabsiga ka noqday . halkaana waxaa ka iman doonta xasilin lacageed oo miisaan leh.

(e). in dawladu ka warhayso shaqo abuurka iyo Fursadaha lagu yarayn karo shaqo la’aanta baahsan ee inta badan ka dhalatay shirkadaha dawliga ah oo wadanka ku yar iyadoo kuwii gaarka loolahaana ay qaadanayaan oo kaliya dadka ay hayb iyo Garasho wadaagaan .

Markaa dawladu waa inay talaabooyinkaa qaado iyadoo u kala horeysiinaysa sida ay u kala mudanyihiin ama u kala muhiimsanyihiin . Inta talaabooyinkaa lagu gudo jiro waxaa muhiim ah in la dhex wado tababar lasiinayo shaqaalaha haayad kasta oo ka mid ah kuwaa aynu kor kusoo sheegnay ee saamaynta balaadhan ku leh dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalka . Tababaarkaa oo sharaxaya la qabsiga nidaamka cusub ee lagu xakamaynayo sicir bararka .

Qaybta koowaad
Qore: YASIN ASHRAF