Faa’iidooyinka aadan ogeyn ee ay basasha u leedahay ragga iyo dumarka
Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay.
Inkastoo ay ay sababto ur dhanka afka ah, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno in ku filan.
Faa’iidooyinka basasha waxaa ka mid ah:
1: Waxay qeyb ka qaadataa hab-dhiska difaaca jirka
Maadaada ku jirta ee loo yaqaan Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunnada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka.
2: Calool-xannuunka
Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo u ah xannuunka caloosha. Waxay dishaa bakteeriyada taas oo keenta in qofka cuna aannu caabuq calooshiisa ku sameysmin, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastarigga qofka aanu ku dhicin.
3: Dheellitirka sonkorta dhiigga ku jirta
Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u horseeddaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo.
4: Qanjirka ragga kaadida
Basasha waxa ay badisaa kaadida, waxa aanay daweysaa caabuqa ku dhaca kaadi-marennada iyo qanjirka ragga ee Prostate oo ay ka ilaaliso bararka.
Wadnaha
Basasha waxay u wanaagsan tahay wadnaha. Waxay hagaajinaysaa wareegga dhiigga waxayna xoojisaa muruqyada, waxay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka dhiigga iyada oo cadaadis saareeysa