Maxaad Ka Ogtahay farsamada Muuse Biixi  Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye ku noqday iyo wixii uu  ku goostay? Muqaalka siyaasadeed ee maanta Somaliland ku jirto maxay iska shabahaan?.

Maxaad Ka Ogtahay farsamada Muuse Biixi  Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye ku noqday iyo wixii uu  ku goostay? Muqaalka siyaasadeed ee maanta Somaliland ku jirto maxay iska shabahaan?.

Waaba Nin hore yidhi “Waayo arag wax waydii”. Waxaan maqaalkan  dib idinku celinaya taariikho isu muqaal eeg, kuwaas oo wadaaga  jilaa kaliya oo ah Madaxweynaha JSL Mud. Muuse Biixi Cabdi, waxaad sheekadan ka dhex arkidoonta habka iyo dariiqa uu Mud. Muuse Biixi Cabdi u maro arrimaha damacu kagalo. Wakhtigii Kulmiye shirwaynihiisi 2–aad soo dhawaa oo ahayd 2006-dii damac ayaa galay Muuse Biixi Cabdi, damacaas oo aha inuu noqdo jagada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga, amarka Alle wuxuunba ku yidhi wakhtigaas si aad u hesho Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye waxaad qabsata wax wayn oo aan curfiga Somaliland hore loogu arag, maxay ahayd kaartadasi?.

“Hadaan ahay Muuse Biixi Cabdi waxaan u sharaxanahay Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, Siilaanyo ayaa murashax Madaxweyne u taagan oo Isaaq ah ana Madaxweyne ku-xigeenkiisa ayaan noqonaya, waa dimuquraadiyad Siilaanyo wuxuu doonaya cod ana codkii ku-xigeenka oo ka badan Murashaxiinta Rer Awdal intay keeni lahayeen ayaan helayaa”. Arrintaasi waxay noqotay dhawaaq la-yaab ku keenay Xisbigii Kulmiye, Oday Siilaanyo iyo rer Somalilandba. Muuse Biixi Cabdi wuu ogaa in aanay macquul ahayn Laba Musharax oo Beesha dhexe ee Isaaq  ahi in aanay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen isu noqon karin, iyadoo Ninka ay rabaan inay Xukunka kala wareegaan uu aha Daahir Rayaale Kaahin oo rer Awdal ah. Laba sanno ayuu wakhtigaas Kulmiye muranka doodaas ku jiray, shirwaynihii Xisbiga oo qabsoomilaha 2006, wuxuu dib ugu dhacay 2008.

Intaas waxaa lagu jiray ila-meerayso iyo murano lagu qancinaayay Muuse Biixi Cabdi, waxaana ugu danbayntii markii Xisbigu halis galiyay murankaasi loo ogolaaday Jagada Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye, waliba shuruud ayuu ku xidhay Muuse Biixi taaso ahayd in codka ergada beesha Habarjeclo ee Kulmiye dhammaantood ay codka siiyaan shirka golaha dhexe, dalbkaasna waa loo fuliyay.

Maanta Madaxweynaha Somaliland wuxuu damac ka galay in kordhin sannado ah loo sameeyo, si damacaasi u hirgalo wuxuu Waddanka galiyay murankii siyaasadeed ee ugu adkaa, kaas  oo waxa ka dhalan kara aynaan garan karin, si damaca Madaxweynuhu  u hirgalo, wuxuu yidhi Mud. Muuse Biixi “doorashadayda 13-November waxa ka soo horraysa doorashada  Xisbiyada oo sharci ahaan ka danbaysay.” Madaxweynuhu wuu ogyahay in aanay Somaliland ka dhacayn doorasho xisbiyo oo toos ah, doorasho aan xeer lagu galo lahayn, doorasho Koomiishan aan lahayn maadaama koomiishankii doorashada uu fadhiisiyay, doorasho aan diwaangalin lahayn, doorasho aan wakhtigeedi la gaadhin lana samayn xeer ka soo horaysiinaya wakhtigeedi, waxaas oo dhan oo jira. Aniga iyo Dad badan oo Kulmiye ahaan jiray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yaqaana muranadiisa ma aaminsana waxaasi wax dhacaaya amma wada dhici kara inay yihiin, wuxuuse ku bislaynayaa muddo kordhin Xisbiyada Mucaaridka uu ka saxeexdo, taasi inay sidii Kulmiye uga hirgashay u hirgalidoonto iyo in adduunka ragg ku noolyahay bal aynu dhawrno waayaha.

Muniir Axmed Cigaal