Hoos u dhaca Awoodda ragga

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani’aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas’uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

Xanuun-baabi’iye

Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi’iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi’inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

Xanuun-babi’iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

Daawada walwalka

Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada.

Waxyaabaha awoodda raganimada yareeya

Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

Dawada dhiigga xinjirooba

Dawooyinka loo isticmaalo xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo cholesterol (Kolestaroolka), oo ah xinjirowga dhiigga, ayaa iyagana kaalin wayn ka qaata dhimista awoodda ragannimada.

Khubarrada caafimaadka waxay sheegeen in dawooyinkan ay faragelin ku sameeyaan hannaanka ay u shaqeeyaan unugyada taranka.

Hoos u dhaca awoodda ragga

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in dawooyinka loo isticmaalo dhiig-xinjirowga ay mararka qaar sababaan dhibaato soo food saarta ragga marka ay gogosha la wadaagayaan xaasaskooda.

Dawooyinka walwalka xad-dhaafka ah

Dawooyinkan oo afka qalaad loogu yeero “Benzodiazepines” waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagula tacaalo xanuunka walwalka xad-dhaafka ah, sida marka uu qofku ka cabsado waxyaabo aan jirin oo uu keligiis istuso.

Xanuunnada kale ee loo isticmaalo waxaa ka mid ah hurdo-la’aanta iyo murqo-xanuunka.

Laakiin, dhinaceeda waxyeellada waa in ay saamayso habsami-u-socodka unugyada taranka ragga iyo dareenka.

Dawada Dhiig-karka

Bukaannada qaata dawooyinka loogu talagalay dhiig-karka ayaa sidoo kale la kulmi kara caqabad kale oo ah in ay awooddooda ragannimada hoos u dhacdo.

Dawooyinkan ayaa si toos ah ula fal gala xididdada qulqulka dhiigga oo sidoo kale ah kuwa la shaqeeya dareenka gogosha.

Dawo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Khubarrada qaarkood ayaa intaas kusii daray in xitaa ay jiraan dhibaatooyin ay dumarka qudhooda kala kulmaan dawooyinkan, kuwaasoo la xiriira xubnaha taranka.

Dawada Sanboorka

Dawooyinka lagula tacaalo sanboorka, sida cuncunka gudaha sanka iyo hindhisada qayrul caadiga ah ayaa dhinaca kalena dhibaatadooda wata.

Waxay horseedi karaan caqabado ragga iyo dumarkaba kasoo wajaha dhinaca hammada