Caaqil Jaamac Cabdi Axmed, waa shaqsiga ugu dada weyn xubnaha ka socda beesha Isaxaaq Care ee ka qayb qaadanaaya shirka beelaha Garxajis ee ka socda magaalada Burco. Caaaqilka ayaa maalin uun ka hor laga sii daayay jeelka Hargeisa kadib markii la qabqabtay isaga iyo 7 xubnood oo kale oo shir balaadhan ku qabnaayay magaalada Hargeisa. Caaqilka ayaa ka soo jeeda ardaaga Maxamed Ismaaciil ee beesha Cabdalle Isaxaaq, kuwaasi oo ay isku ardaa yihiin gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir , La taliyaha madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo xildhibaan Jamaal Adan Diiriye.

Mana aha uun caaqilku kaligii ee waxa uu hogaaminayaa xubno culus oo ka soo jeeda beesha Maxamed Ismaciil ee Cabdalle Isaxaaq, waxana uu xubin mihiim ah ka yahay waftiga Isaxaaq Carre ee ku sugar Burco