MAXAAD KALA SOCOTAA QORSHIHII IYO ISTARAJIYADII MAXAMED CABDILAAHI FARMAAJO IYO KOOXDIISII NABAD IYO NOLOL AY KU TALOGALEEN…!!!

( Waa muhiim in aad la socoto xayndaabka siyaasada gobolka Geeska Africa & ta aduunkaba )

Siyaasadihii dalalka Geeska Africa ee sanadkan iyo sanadihii hore ee la soo dhaafay waxa ugu waaweynaa loolanadii siyaasadeed ee soomaaliya ka socday , waxa ay ahaayeen qaar aad u layaab leh oo ka duwan kuwii hore waxaana dhinacyada ku loolamayey u yaalay qorsheyaal iyo istaratijiyado ay ku hawl galaan .

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ahaa madaxweynihii hore ee lagaga guuleystay doorashadii dhacday 15 May 2022 waxa doortay horaantii sanadkii 2017 kii waxa uu mudo xileedkiisa dastuuriga ahi kaga ekaa 8 Feb 2021 oo ay ugu buuxday 4 tii sanadood ee la doortay.

Sanadkii 2020 horaantiisii ayaa la rabay in la diyaariyo qorshaha iyo qaabka doorashooyinka dambe loo galayo halkaasi oo uu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo rabay in nidaamka loo rogo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah , arinkaasi ayaa aanay suurtagalnimadiisu aheyn wax muuqda maadaama aanay xataa dawladu dalka gacanta kuwada haynin, sidoo kale aan xiligaasi wakhti ku filan oo lagu diyaariyo aanu jirin.

Haseyeeshee waa loo riyaaqay oo waxaa lagu dhawaaqay oo la diwaangaliyey axsaab siyaasadeed oo ilaa 68 xisbi ah oo intooda badani qaateen shahaadooyin xisbi si ay ugaga qayb galaan tartanka doorashada ee qof iyo codka ah , waxaana loo arkayey talaabo wanaagsan oo xaga horumarka loo qaadey iyo yididiilo abuuraysa in qofku codkiisa wax ku doorto.

Waxaa arinkaasi uu ka go’naa abuurayey feker iyo aragtiyo uu ku kasbado shacbiga madaxweyne Farmaajo isaga oo mudo sadex sanadood ah abuuray waxyaabo uu quluubta dadka ku kasbado oo ay ka mid ahayd in soomaaliya ay yeelato meeqaam dawladnimo awooda ay doonto ha lahaato e oo aduunku ula macaamilo sida dawlad quwad leh.

Waxaa kale oo uu waday ama ku shaqaynayey qorshe wadaniyadi ka muuqato oo uu jiilka cusub iyo dadkii dawladihii hore soo gaadhay si isku mid ah ugu kasbaday , kaasi oo ku dhisnaa dhinaca wacyigalinta oo xukuumadiisu dhaqaale badan galin jirtay iyo dhinaca dhismaha ciidamada.

Waxaa uu yareystay safaradii dibada ee tirada badnaa waxaana intii uu joogey uu ka qayb galay shirar badan oo caalami ah iyo qaar qaarada Africa ah , waxaana uu isticmaalay siyaasad arimo dibadeed iyo qorshe ah in aan soomaaliya cidina waxba u yeedhinin kaasi oo uu maamulkiisa iyo dalkiisuba ku kasbaday cadaawado iyo dagaalo siyaasadeed oo dibada ah.

Wax waliba oo wanaagsan oo uu sameynayey waxaa garab taalay qorshihiisa hogaamineed ee mustaqbalka iyo in xukuumadiisu ku kasbato taageero dadka ah , waxaana aad loogu riyaaqay arintii badda soomaaliya iyo Kenya isku qabsadeen iyo mawqifkii iyo guulihii uu ka soo hooyey.

Waxaa aad moodeysay in uu abuurayey jawi dawlad dhexe oo awood badan si uu wax walba u suuragalin karo , sidaasi awgeed ayey kaga dheganayd qorshaha doorashooyinka ee qof iyo codka ah oo aad moodeysay in uu u muuqday mid uu si shaqsi ah u danaynayey si fursad labaad oo hogaamineed uu u helo.

Waa meeshii koowaad ee ay ku kala aragti duwanaadeen Raisal wasaare khayre oo ay ku kala fogaadeen, Farmaajo arinkaasi doorashada waxa ay u muuqatay in uu ka lahaa laba ujeedo oo isaga u ahaa dantiisa ama maslaxadiisa kursiga oo kala ah;

1- In hadii uu suuragalo qaabka uu doonayaa ee qof iyo codka ahi in ay noqoto doorasho dawladu maamulayso oo ay gobol walba inta ay meelaha danta guud ah sanaaduuq dhigaan in loogu soo guro oo uu sidaasi ku soo baxo sida ka dhacda dalal badan oo jaararka ah iyo qaar aduunka kaleba ah.

2- Hadii aanay suurtogalayn in xukuumadu wakhti u hesho ay ku abuurto jawi doorasho qof iyo cod ah oo ay halkaasi mudo kordhini uga soo baxdo maadaama ay adag tahay sida loo suurtagalinayaa , qorshahani baarlamaankii hore ayaa la qabay oo ay iyagana faaiido u ahayd , sidoo kale xukuumada Farmaajo oo jibo iyo wadaniyad abuurtay oo dadka shacabka ahi u riyaaqsanaayeen ayaa ugu fursad wanaagsanaan lahayd xaga axsaabta siyaasada.

Intani waxa dheeraa qorshaha nabad iyo nolol waxa uu ahaa in ay dhamaan maamul goboleedyada keenaan madaxwayneyaal u daacad ah waxaana ay dhamaan badeleen madaxweynayaashii Afar maamul goboleed marka laga reebo Jubaland oo ku adkaatay mooyaane.

Dagaalka siyaasadeed ee Jubaland waxa uu dareen galiyey Puntland oo uu doorashadeeda helay Said Deni oo markaa ku yimi rabitaanka iyo culeysyada cabdiweligaas kaga yimid Puntland oo Nabad iyo Nolol oo markaasi aanay isku wanaagsanayna ay u raaceen.

Dabadeed waxa muuqday in Farmaajo rabo awood dawlad dhexe oo xoogan oo markaa nidaamkii Federalka ee 2011 Puntland lagu qaatey meesha ka saareysa ama wiiqeysa , waxaana uu abuuray qiiro iyo jibo wadaniyadeed oo uu quluubta dadka xataa maamul goboleedyada ku qabsaday.

Halkani waxa ka bilaabmay in Puntland difaacdo Federalka oo lagu sheego in ay yihiin hooyada Federalka waxaana badheedhay madaxdii iyo siyaasiyiintii reer Puntland ee ilaa kuwii aqalka sare ka mid ahaayeen waxaana abuurmay jawi kale oo siyaasadeed.

Markani intii arimahani la isku haystay waxaa lagu dhawaaday gebo-gebadii xukuumada oo waxaa abuurmay jawi mucaaradad xoogan oo daneeyayaashii doorashooyinka ah waxaa soo baxday khilaaf maamul goboleedyada qaar iyo madaxweynaha ah oo ka abuurmay doorashooyinka iyo doonista Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo kooxdiisii Nabad iyo Nolol.

Arimahani waxa ay abuureen in doorashooyin iska daaye wadashaqeyntii maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe joogsato , tii aqalka sare iyo dawladu istaagto oo ay xataa beesha caalamku dhawr goor soo dhex gashay si wax loogu heshiiyo.

Arimahani taagnaa waxa ay meesha ka saareen Raisal wasaare Kheyre July 2020 oo golaha shacabka 170 ka mid ahi kalsoonidii kala noqdeen xukuumadii , halkani oo iyadna noqotay caqabad kale oo hor leh.

Markii halkaasi la marayo iyo xaaladaha siyaasadu cirka isku sii shareereen waxaana abuurmay mucaarid ay ka mid yihiin murashaxiintii madaxweynaha, gudoomiyaha aqalka sare oo in badan isagana xukuumada Nabad iyo Nolol ay dagaal kula jireen iyo labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland madaxweyneyaashooda.

Markii la Isla qaatay in qaabka doorashada loo gelayaa noqoto sidii hore maadaama axsaabtii laga guuray hadii aanay mucaaridkii helin labadaasi maamul goboleed iyo gudoonka aqalka sare waxba ma suurtagaleen .

Khilaafkii waxa dhacday in beesha caalamka iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iska hor yimaadaan , xiligaasi oo uu Farmaajo magacaabay Raisal wasaare Rooble sidii la isugu murugsanaa ayaa la Isla gaadhay 8 Feb 2020 , waxaana dhacay iska hor imaadyo yeeshay qaab ciidan iyo qaab beelaysan kuwaasi oo halis galiyey amnigii dadka Muqdisho.

Sida dastuurka dalku dhigayo hadii xukuumada wakhtigeedu dhamaado Raisal wasaaraha jooga iyo xukuumadiisa ayaa sii ahaanaya xukuumad dalka doorasho gaadhsiisa ( Care taking government) kaasi oo uu Farmaajo na isaga oo fulinaya dhexdhexaadimihii iyo heshiisyadii ku wareejiyey hawlaha iyo amniga doorashooyinka.

Markani Raisal wasaaraha waxa kalsooni siiyey beesha caalamka isaga oo ka faaiideysanaya ayuu ka shaqeeyey in mucaaridkii uu dejiyo oo kalsooni siiyo si meesha ay uga baxaan is abaabulka hubaysan ee beelaysani oo loo abuuro jawi doorasho.

Xiliyadii hawlahani socdeen waxaa abuurmay in xukuumadii u kala jabto in madaxwaynaha taabacsan iyo in Raisal wasaaraha la socota oo la kala saftay madax wasiiro ah iyo masuuliyiin ciidamada ah oo la badelay iyo qaar la magacaabay la isku qabsaday , hay’adaha dawlada iyo wasaaraduhu iniba meel gaara laga maamulayey.

Raisal wasaaraha oo kalsoonida mucaaridka iyo ta beesha caalamkaba haysta ayaa dhexda u xudhay in la gudo galay dardar galinta hawlaha doorashooyinka oo mudo dheer qaatay iyaga oo ugu dambayntii ku soo geba-gaboobay in la cayimo maalinta doorashada la galayo oo noqotay 15 May 2022 .

Doorashadii maalintani dhacday ayuu madaxweynihii hore ee soomaaliya lagaga adkaaday wareegii ugu dambeeyay sadexaad iyaga oo ay tartamayeen 36 murashax madaxweyne wareegii koowaad, halkii wareegii labaad ay isku soo hadheen 4 afartii ugu codka badnaa wareega koowaad oo ay wareegii ugu dambeeyay u gudbeen labadii ugu codka badnaa afartooda.

Haddaba sida aan u arko qorshaha iyo istaratijiyada hogaamineed ee uu ku talogalay Farmaajo iyo kooxdiisii nabad iyo nolol waxa uu ahaa mid mudo dheer ah oo ay suurtagalin waayeen arimahani tirada badan ee aynu kor ku soo xusnay

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil