Maxamed Xasan Jidhif oo ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(Qaran)-Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee waxa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Gen. Maxamed Xasan Jidhif oo la weriyay inuu muddo xanuunsanayey.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee millatariga ururkii SNM ee horseedka u ahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Waxa kaloo Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xasan Jidhif ka mid ahaa madaxdii kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland, waxaanu ahaa siyaasi afgaaban oo dal jecel.