Writen by Qaran News |

Maxay Puntland uga dhici la’ dahay doorasho qof iyo cod ah?

Baarlamaanka Puntland oo u fadhiya kalfadhiga 40aad

Golaha wakiillada (Baarlamaanka) maamul goboleedka Puntland ayaa fadhi uu yeeshay 14kii Agoosto ku muddeeyey xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ayagoo sheegay in doorashadaas ay dhici doonto 8/1/2019.

Wuxuu kaloo goluhu iclaamiyey in la soo xulo xubnaha golaha wakiillada ee beddelaya midka hadda jira inta ka horraysa dhamaadka sannadkan.

Doorashada dhici doonta ayaa lagu wadaa inay noqoto mid ay u codeeyaan xubnaha golaha wakiillada (Baarlamaanka).

Haddaba, maadaama Puntland oo ku faanta inay tahay hooyadii federaalka, dhawaanna u dabaal degtay in ay 20 jirsatay, taasoo aad uga badan muddada ay jireen maamul goboleedyada kale, maxay u qaban wayday doorasho hal qof iyo hal cod ah?

Siyaasiyiinta ayaa loo arkaa inay ka fogaanayaan in shacabku la xisaabtamo

Siyaasiyiin aan daacad ahayn

Siciid Faarax Maxamed (Siciid Sanweyne) oo ah nin u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ee Puntland wuxuu qabaa in ay arrintaas ka dambeeyaan siyaasiyiinta Puntland.

“Seddex sano ayaa loo qabtay in looga gudbo nidaamka qabaliga ah ee odayaashu ay soo xulayaan xildhibaannada. Arrintaas waa jiitantay, maadaama ay siyaasiyiintu jecel yihiin in ay xil hayaan, waxay doorbideen inay ku sii socdaan nidaamka marjaca ee odayaal dhaqameedka, maadaama si fudud looga dhamaysan karo magacaabista xildhibaannada” ayuu yiri Siciid.

Wuxuu kaloo u arkaa in siyaasiyiintu ay ka fogaanayaan in isla xisaabtan uu yimaado.

Siyaasiyiintana wuxu ku tilmaamay kuwo u faa’iidayn waayey shacabka.

Doorashada aqalka sare ee Puntland

Qabiil Vs Nidaam Maamul

Puntland markii la dhisay 1998 waxaa seeska loogu dhigay nidaam qabiil, kaasoo ilaa maanta sidii u jira, halkii looga gudbi lahaa nidaam maamul.

Siciid Sanweyne wuxuu qabaa in Qabiilku uu yahay mid “lagu awr kacsado”.

“Qabiilku sidiisaba waa lagu awr kacsadaa ee ma aha caqabad. Danta guud baa la isugu yimid in lagu raadsho”.

Wuxuu intaa ku daray in siyaasigu markuu sallaanka siyaasadda ku fuulo qabiilka inuu dantiisa gaarka ah ka raacdo.

Wuxuu ku tilmaamay “dhaqan xumo siyaasadeed oo ay leeyihiin siyaasiyiinta Soomaaliya” kuwaasoo ka baqaya in lala xisaabtamo muddada ay xafiiska hayaan.

Shacabka Somaliland oo saf ugu jira inay doortaan madaxweyne
Shacabka Somaliland oo saf ugu jira inay doortaan madaxweyne

Puntland Vs Somaliland: Maxaa Somaliland looga dayan karaa?

Somaliland tan iyo markii ay gooni isu taagga ku dhawaaqday waxaa ka dhacay dhowr doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, kuwaasoo ay dadku ku doorteen madaxda hogaaminaysa, haddaba maxaa looga dayan karaa? Waa kan mar kale Siciid Sanweyne.

“Waxaa looga dayan karaa qaabka ay doorashada u hagaan, inkastoo uusan qabiil meesha ka marnayn. Madaxweynaha waxaa soo doorta shacabka, waxayna xujo ku noqonaysaa dadka yiraahda Soomaalida wax ma dooran karto, tusaalena waxaa u ah Somaliland. Ayagoo qabaa’il ka kooban ayey haddana leeyihiin axsaab, doorashooyinna waa ka dhacaan” ayuu yiri.

Maxaa shacabka ka hor taagan xaqooda siyaasadeed?Maxaa shacabka ka hor taagan xaqooda siyaasadeed?

Bisayl siyaasadeed iyo mid shacab

Siciid Sanweyne Wuxuu u arkaa in dadka reer Puntland ay tahay in xaqooda siyaasdeed u istaagaan, oo ay ka gudbaan wax uu ku tilmaamay “odayaal dhaqameed lagu albaabay”. Maxaase ka hortaagan inay sidaa yeelaan?

“Waxaa ka hor taagan in fahamkii siyaasadeed iyo waxa ay qofka siyaasadda u tahay aysan shacabka Puntland ka dhaadhacsanayn. Shacabka Puntland waa rabaan is maamul iyo kala dambayn, laakin inuu noqdo mid shacabka ka yimaada oo cid gaar ah aysan ku danaysan weli bisaylkeeda ma jiro”ayuu leeyahay Siciid.

Doorashada madaxtinimada ee Puntland waxay dad badan aamisan yihiin in ay noqon doonto mid la mid ah tii dhex martay Gaas iyo Faroole oo uu hal cod ku guulaystay C/weli Gaas, laakinse muddo ilaa iyo intee le’eg ayey socon kartaa in odayaashu ay soo xulaan xildhibaanno u codeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa?