Dadka qaar ayaa sidoo kale ku cadayda kaadida subixii. Ninkan wuxuu sidoo kale sheegay inuu dhibco isaga shubo indhaha.
Haweeney kale, oo 39 jir ah laguna magacaabo Faith Canter oo kaoso jeedda dalka Portugal, ayaa dhowaan sheegtay inay cabto kaadideeda si ay isaga daweyso qaniinyada kaneecada.
Waxay tiri, “Markii hore yaab bay ila ahayd, balse inyar inyar kaddib waan la qabsaday.” Subax walba ayaan cabaa kaadi. Haatan sidii hore kaneecadu iima qaniinto. Xitaa mararka qaar haddii ay i xanuunto, barar ma jiro, cuncun amaba xanuun midna.”
Raysal wasaarihii hore ee Hindiya miyaa sidoo kale kaadi cabay?
Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Guardian, raysal wasaarihii hore ee Hindiya Morarji Desai ayaa sidoo kale isku dayay ‘dawada kaadida’ muddo dheer.
Sanadkii 1978, wuxuu warbixintan la wadaagay weriye Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Don Instead.
Wuxuu sidoo kale sheegay in tani ay xal aad u wanaagsan u noqon karto malaayiin qof oo Hindiya ku nool kuwaasoo aan iska bixin karin kharashaadka isbitaalka.
Sida laga soo xigtay ururka arrimaha kaadi-mareenka ee Shiinaha, ilaa boqol kun oo qof oo ku nool dhul-weynaha Shiinaha ayaa isticmaala ‘dawada kaadida’.
Maxay dhaqaatiirtu ka yiraahdeen?
Sida uu sheegay Dr. Andrew Thonber, cabidda kaadidu waxay la micno tahay inaad jirkaaga gelineyso khashin uu jirkaagu hore isaga soo saaray. Inaad sidaa sameysana waxay dhib ku tahay caafimaadkaaga.
“Kilyaha waxay nadiifiyaan dhiigga waxayna ka saaraan khashinka iyo cusbada,” ayuu u sheegay BBC. Kaadida qofka caafimaadka qaba waa inay 95 ahaataa biyo, halka shanta kalena ay ka kooban yihiin kiimiko sida potassium iyo nitrogen, oo jirku doonayo inuu iska saaro. Marka inaad kaadi cabto waxay sababi kartaa dhibaato caloosha ah, iyo sidoo kale inay khatar ku noqoto kilyaha.”
Sida uu qano dhaqtarka, “Dad badan ayaa aaminsan in cabidda kaadida ay jirka degdeg u siiso fitamiinno muhiim ah, looma baahna in la raaco dariiqooyinkan khatarta ah.”