Writen by Qaran News |

Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Muues Biixi Talaabo Uga Qaadi Waayey Wasiirka Sida Sharci Darada Ah Ugu Hanjabay Maareeyaha Haayada Wadooyinka

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan wali wax talaabo ah ka qaadin wasiirkiisa gaadiidka iyo horu marinta jidadka oo hanjabaado mareexaanayn u eeg u diray maareeyaha hay’adda horu marinta wadooyinka Cismaan sheekh Cabdi.

Ilaa hada waxa lays waydiinayaa sababta uu madaxweyne Muuse Biixi waxba uga qaban waayey wasiir Cabdilaahi Abokor oo maareeyaha hay’adda wadooyinka u muujiyey inuu haysto awood dheeraad ah iyo isku halayn uu ka qabo madaxweynaha, isaga oo hanjabaadiisana gaadhsiiyey inuu shaqo joojin ku samayn karo maareeyaha hay’adda wadooyinka.

Haddii aynu dib u milicsano sida uu madaxweyne Muuse Biixi u neceb yahay in laga xigsado masuuliyiinta aanay isku deegaanka ahayn ee ka tirsan xukuumadiisu waa tii keentay is casilaadii agaasimihii guud ee wasaarada qorshaynta Prof Cabdi Cali Jaamac, ka dib markii wasiirka qorshaynta uu madaxweynaha ka gaadhsiiyey dacwad la xidhiidha in agaasimaha guud ka xigsanayo.

 

Prof Cabdi Cali ayaa mar uu u waramayey Hadhwanaagnews waxa uu cadeeyey in madaxweynaha oo wasiirka qorshaynta ka dacweeyey uu ku war geliyey inaanu ka xigsan, hadalkaas oo keenay in ugu dambayn uu Prof Cabdi Cali iska casilo xukuumada, balse waxa ilaa hada lays waydiinayaa sababta uu madaxweynuhu uga gaabinayo inuu talaabo o ka qaado wasiirkiisa gaadiidka ee hanjabaada mareexanaynta ah u diray maareeyaha hay’adda wadooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa haddii uu wax talaabo ah ka qaadi waayo wasiirkiisa gaadiidka waxa loo fasiran karaa inuu raali kaga yahay hab dhaqanka uu wasiirku u muujiyey maareeyaha hay’adda Wadooyinka.

Sidoo kale wasiirka Gaadiidka iyo Horu marinta jidadka ayaa wali hor taagan inay fusho isku shaandhayntii uu maareeyaha hay’adda wadooyinku ku sameeyey agaasime waaxeedyada hay’addaasi, iyada wasiirkuna uu si gaar ah uga soo horjeedo in la badalo agaasima waaxeedka maamulka iyo lacagta ee hay’adda wadooyinka, kaas oo aan ilaa hada la garan Karin sababta uu uu ugu dhagan yahay.

Dhinaca kale waxa guul daraystay dedaalo la doonayey in layskugu soo dhaweeyo wasiirka iyo maareeyaha ka dib markii masuuliyiin is xil qaamay ay caqabado kala kulmeen wasiir Cabdilaahi Abokor, kaas oo shuruudo aan la shaacin ku xidhay wadda hadal dhex mara maareeyaha hay’adda wadooyinka.