Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa oo Mar Kale  la Horkeeni Doono Siyaasiyiintii Mucaaridka ee Xukumada Muuse Biixi u xidhan

Maalinta Khamiista ay Taariikhduna tahay 23/6/2022 ka waxa Mar kale Maxkadda Gobolka Maroodi Jeex ee . Hargeysa 6:00 Aroornimo la horkeenayaa 14 kii Madaxda Siyaasiyiinta 2da Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID ka tirsanaa ee Xukuumadda Somaliland Xabsiga Madheera u taxaabtay 9/6/2022 kii Bishan June ee aynu ku jirno bilowgeedii.
Siyaasiyiinta Axsaabta Mucaaridka ee Waddani iyo UCID ka tirsan ee Xukuumadda Somaliland u xidhnaa oo Khamiistii hore Rumaan Todoba maalmood ah ay u dirtay iyaga oo 10 maalmood ka badan hore Xabsiga ugu sii jiray ‘ ayaa la filayaa in Saaka oo Khamiis la filayaa laga soo qaado Xabsiga Madheera ee ay dowladda ugu xidhnaayeen in marka Maxkamadda la horkeeno ay si toosa Maxkamadda loo horkeeno bilaabanto Dacwadda ay Xeer ilaalintu ku soo oogayso ama ku haysato ragaasi la gudo galo iyada oo sido kale aan meesha laga saari karin Maadaama sidii hore Axsaabta Mucaaridka ee Ragan Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ah ka tirsani ay sheegeen maadaama oo aanay wax dambiyo oo ay galeen jirin iskugu jiraana rag magaaladda iyqga oo gaadiidkooda wata iyo kuwo guryahooda laga soo qabtay oo aan wax dambiya faraha kula jirin waxa suurto gala inay Xoriyaddooda dib u helaan oo la sii daayo dhamaantood.