Maxkamadda ugu sarreysa Kenya oo ku dhawaaqday Cida ku guulaysatey Doorashada Madaxtooyada Kenya+Taariikhda madaxweynaha Cusub ee la doortay ee kenya

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa meesha ka saartay dacwaddii uu doorashada madaxtinimada ka gudbiyay Raila Odinga halka ay ayidday guusha William Ruto oo 9-kii bishii hore ku guuleystay doorashada madaxweynaha.

Waa kuma Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Samoei Ruto

William Samoei Ruto
William Samoei Ruto

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaanka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay “nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sanadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.