Cimilo ahaan marka la eego waa qalayl, waana kulayl inta badan xilliyada, marka loo eego roobku wuu ku yar, waxaanay helaan xeebaha Somaliland in ka yar 50mm sannadkii. Xaraarada biyuhu waa 21C ilaa bisha koowaad ee sannadkiina 37C in October. Xilli roobaadka waxay helaan xeebaha Somaliland sannadkii bilaha June ilaa September, halka meelaha qaarna ay helaan bisha march.

Waxa jira meel badan oo ku haboon in bulshadu ka kalluumaysato, kuwaasoo ku teedsan xeebta dheer ee Somaliland laga soo bilaabo bari ilaa galbeed, kuwaasoo kala ah:

Lawya-caddo

Tokhoshi

Saylac

Lughaya

Ceel-sheekh

Bulaxaar

Berbera

Ceel-gardi

Elgerdi,

Karin

Shalwo

Xiis

Maydh

Laas-qorey

Ceelaayo

Xeebta galbeed ee Somaliland waxay leedahay goobo waaweyn oo ku haboon dalxiiska iyo dabaasha, halka xeebaha bariga dalku ay leeyihiin goobo kooban oo ku haboon dalxiiska iyo dabaasha, kuwaasoo ay saameeyeen deegaanka oo u badan dhagaxaan, balse ciiddu ku yar tahay.

Waxaanay goobahaasi qiyaas ahaan yihiin bariga ama ay u dhexeeyaan shan ilaa toban mitir, iyadoo ay aad uga weyn tahay xeebta galbeedka Somaliland Saylac, taasoo gaadhaysa ilaa 200 mitir. Waxa kale oo jira goobo kale oo ku haboon dabaasha oo dherer ahaan gaadhaya 30 ilaa 50 km oo u dhaw xuduudka dhinaca Jabuuti ee magaalad Saylac.

Marka la qiimeeyo kalluumaysatada madaniga ah ee reer Somaliland waxay soo saaraan 1500 ilaa 2000 oo tan sannadkii.

Sidoo kale waxa jira wax soo saar soo kordhay taniyo intii wasaasadda kalluumaysiga Somaliland ay joojisay bixinta liisamada maraakiibta ajaanibka ah ilaa sannadkii 2012. Mana jiraan xilligan wax maraakiib ama doonyo si sharci ah uga kalluumaysta xeebaha Somaliland.

Dawan