Ubixii Baxaayow Sawdigan Abaarsaday.
Berbera Dekedeedi waxa hoos udhacweyn Kuyimi ganacsatadii Kala Soo degi jirtay alaabta waxa warar xogogaal ahi shegayaan in 192 Gacacsato ah oo weliba A Class Ah la wayay. Taasi macnahedu waxa weeye in hadii 24 sacadood loo adeegi jiray 680 container in maanta loo adeego 80 container.
Hadaba dhibku waxa weeye inay Berberi u bahantay dawlad iyo madaxweyne horumarkeeda ka cadalad fala oo la jaanqaada.
Sababta aan sidaas u leeyahay waxa weeye in la helo sadex xeer oo u adeega in si xawli ah u dhaqaaqo horumarka dekeda iyo free Zone ku
* waa in la sameeyo Somaliland Maritime Act lama samayn waxa hadaba xeerkaas ku baaqday Maalgelin ,shaqo abuur iyo xidhiidh caalami ah
* trade agreement oo aynu la galno wadamada jaarka ah waxa taasi hortagan xukumada Somaliland oo aan buxin shuruudihii wadan lagula heshiin karayay oo ay kamid tahay inaad leedahay Xeerkii la odhan jiray Somaliland Banking Act halkaasina waxa ku baaqday maalgelin iyo shaqo abuur.
* Transit Agreement waxaad u baahantay deked kolkaad shidayso inaad lagasho wadamada jaarka ah ee suuqa ugu badan haysata inaad lagasho heshiis isku socod taasi macnaheedu waxa weeye inaad Xeer u samayso lajaanqaada horumarka aad hayso iyo dunidan casriga ah taasina maanta xukumadan joogta way ku adkaatay wanay laseegtay qodobkaas.
Hadaba caawa mid iga qora Horumarkii dekeda iyo Free Zone ka inaynu dhismihi diyarinay balse horumarkaasi Ehel la yahay inbadan waxan si dhaw u qiimaynayey halku kudanbaynayo iyo xaalku siduu noqon doono waxaana isoo baxday Horumarki Baaxadaas laha in Wado – Dhuxul lala maray kaaga sii darane aanay cidi ka hadlayn waar meeyey Aqoonyahankii Toosin lahaa Arintan.
Wabilahi Tawfiiq
Caydaruus adan garwaf
May be an image of 1 person, standing, outdoors and text that says 'Assistive Light'