Mid ka Mida Saraakiisha Ciidanka Milateriga S/land oo ay isku degaan ka soo jeedaan Murashax Ciro oo Burco Lagu Xidhay.

Xarunta Taliska Ciidanka Milateriga Gobalka Togdheer ayaa Maanta abaaro ilaa 11:00 Duhurnimo Lagu Xidhay Dr Mukhtaar Maxamed Jaamac ( Suufi) Oo ahaa Sarkaal Darajadiisu ahayd Gaashanle Dhexe.
Sarkalkani oo ka Mid ahaa Sarikishii Somaliland Tababarka Ugu Dirtay Dalka Ethiopia ayaa Ahaa Sarkaal Takhakhuskiisu ahaa Dhakhtar Milateri.
Waxaana Markii Uu Sarkalkani Dhamaystay Tababarkaasi Uu Noqday Ardaygii Ugu Sareyay Sarakishaasi Tababarka Dhamaystay.
Derajada uu gaadhay oo aad u saraysay awgeed Raysal Wasarihi Hore Dalka Ethiopia Meles Senawi Ayaa Gudonsiyay Bilad Sharaf.
Sarkalkani Gaashanle Dhexe Dr Mukhtaar Maxamed Jamac ( Suufi ) wuxuu degaan ahaan ka soo Jeeda deegaanka Musharax Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.
Ilaa hadana Lama oga Sababta ka Danbaysa Xadhiga Sarkalkani.
Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Sarkalkani Uu Saaka Xafiiskisa Uga Yeedhay Abaandulaha Labaad Ee Ciidanka Qaranka Qaybta 12-Aad Gaashanle Sare Maxamed Jamac ( John)
Oo ay isku Degaan hoose Yihiin Madaxwayne Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Milateriga Nuux Taani Kuna Wargaliyay inuu Xidhan Yahay.
Sarkaal Mukhtaar ayaa Taliyaha Waydiyay Sababta Xadhigisia ka Danbaysa Balse Taliye Maxamed Jamac ( John) ayaa shegay inuu Fulinayo Amar Kaga yimi xaga taliska Ciidanka Milateriga Hargeisa.
Laguna amray inuu xidho.
Balse waxa mudooyinkii u danbeyayba jirtay in si gaar ah loo beegsanayay saraakiisha la deegaanka ah Musharax Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.
Tani Waxay ka mid tahay dhacdooyinka ugubka ku ah somaliland Manuu jirin beegsi cid gaara lagu hayn jiray somaliland Ka Hor Xukuumada Madaxweyne Biixi.