Writen by Qaran News |

AMNESTY INTERNATIONAL
WAR SAXAAFADEED

Waxaa reeban in la daabaco ka hor 00:01 GMT ee 1-da Oktoobar 2019

Milateriga Maraykanka oo si weyn isaga indha-tiray dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeymihiisa Soomaaliya

Caddeymo horleh ayaa muujinaya in saddex nin oo duqeyn lagu beegsaday ay ahaayeen beeraley rayid ah oo aanay ahayn “argagixiso”
Milateriga Maraykanka ayaa iska indha-tiray xaaladda qoysaska dadkooda la laayay
Amnesty International ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan dhowr iyo labaatan qof oo rayid ah kuwaasoo ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka qarsoodiga ah ee ay wado dowladda Maraykanka

Baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa muujinaya in saddex nin oo milateriga Maraykanka uu duqeyn ku dilay bishii Maarso iyagoo loo beegsaday inay yihiin “argagixisada Al-Shabaab” ay ahaayeen beeraley rayid ah, isla markaana aanay jirin caddeyn muujinaysa inay wax xiriir ah la lahaayeen ururkaasi.

Hay’adda ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo bishii Mey ciidamada Maraykanka lagu wargeliyay in si khalad ah ay u go’aansadeen in ugu yaraan mid kamid ah raggaasi uu dagaalyahan ahaa, uu haddana taliska milateriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku guuldaraystay inuu la xiriiro ehelada ninkaasi si ay baaritaan ugu sameeya dilkiisa. Saddexda nin ee la dilay ayaa wadar ahaan ka tegay 19 carruur ah.

“Waa arin aad u xun in taliska AFRICOM uu u muuqdo mid aan ka warqabin cidda ku dhimanaysa ama ku dhaawacmaysa dagaalka qarsoodiga ah ee uu ka wado Soomaaliya. Waxaa se ka sii daran in taliska aanu samayn qaab ay qoysaska dhibaatadu gaartay kula xiriiri karaan, isla markaana uu ku guuldaraystay inuu la xiriiro qoysaska dadkoodu waxyeellada gaartay kadib markii su’aal la geliyay sheegashada milateriga ee ku aaddan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri Cabdillaahi Xasan oo ah cilmi-baaraha Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya.

“Tani ayaa qeyb ka ah kiisaska badan ee uu milateriga Maraykanka ugu suntayo qeyb ballaaran oo kamid ah bulshada Soomaalida inay yihiin “argagixiso”. Wax tixgelin ah lama siiyo dhibbanayaasha rayidka ah ama xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska laga dhintay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Duqeyn ka dhacday deegaanka Cabdow Dibile

Abaare saddexdii ilaa afartii galabnimo ee 18-kii Maarso 2019, duqeyn uu Maraykanka fuliyay ayaa lala helay gaari nooca Toyota Surf ah oo marayay meel u dhaw deegaanka Cabdow Dibile oo qiyaastii 5 kilomitir u jirta magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Saddex nin oo gaariga saarnaa ayaa ahaa beeraley shaqadooda ka laabanayay una socday guryahooda oo ku kala yaalla Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne oo ka tirsan Shabeellaha hoose.

Duqeynta ayaa gebi ahaanba burburisay gaariga, waxaana isla goobtaasi ku dhintay darawalka waday oo ahaa Cabdiqaadir Nuur Ibraahim (46 jir) iyo Ibraahim Maxamed Xiirey (30 jir) oo la socday.

Nin ay saaxiib dhaw ahaayeen Cabdiqaadir Nuur Ibraahim ayaa subixii xigay booqday goobta, isagoo tilmaamay waxa uu halkaa ku arkay: “Gebi ahaanba waxaa googo’ay jirka Cabdiqaadir balse waan aqoonsaday….. wejiga ayuu ka gubtay….. waxaan sidoo kale aqoonsaday saacaddiisa oo ka laalaaday qeybta hore ee gaariga.” Haweeney aragtay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa Amnesty International u sheegtay in Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ay “labaduba aad u gubteen, jirdkooduna cad-cad u googo’ay.”

Nin saddexaad oo gaariga la saarnaa oo ay isku aabbo yihiin Cabdiqaadir laguna magacaabo Mahad Nuur Ibraahim (46 jir) ayaa si xun ugu gubtay weerarka, waxaana uu qiyaastii saddex todobaad kadib ku geeriyooday cisbital ku yaal Muqdisho. Diiwaanka dhakhtarka oo ay aragtay Amnesty International ayaa muujinaya inuu wadnaha joogsaday kadib markii uu gubtay in ka badan kala bar jirkiisa. Ma jirto wax caddeyn ah in taliska AFRICOM uu iskudayay inuu ninkaasi la xiriiro ka hor inta aanu dhiman.

War saxaafadeed uu taliska AFRICOM soo saaray 19-kii Maarso ayaa lagu sheegay in raggaasi ay ahaayeen “saddex argagixiso,” iyadoo aan lagu muujin wax caddeyn ah. Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedka in taliska AFRICOM “uu ka war hayo warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.” Isla markaana uu eegi doono macluumaadka muhiimka ah ee ku aaddan weerarkaasi.

Haseyeeshee bishii Mey, weriye u shaqeeysa wargeyska Foreign Policy ayaa taliska AFRICOM u bandhigay caddeyn muujinaysa in Ibraahim Maxamed Xiirey uu ahaa qof rayid ah, waxaana uu u raaciyay telefoonnada ehelkiisa. Balse ilaa hadda talisku lama aanu xiriirin dadkaasi.

Bishii Agoosto, Amnesty International ayaa macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan kiiskaasi la wadaagtay AFRICOM, balse taliska ayaa ku adkeystay sheegashadiisa ah in saddexda nin ay “argagixiso” ahaayeen, waxaana uu yiri: “Duqeyntaasi waxaa lagu beegsaday xubno hoose ee Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha hoose si niyadda looga jebiyo ka hor duulaanka ay qaadayeen ciidamada Soomaaliya…. Si gaar ahna, xogta la ururiyay ka hor iyo kadib weerarka ayaa muujinaysa in dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka ay ahaayeen xubnaha Al-Shabaab ama kuwo xiriir la leh.” Taliska ma aanu bixin wax caddeyn ah oo ku aaddan sheegashadiisa, mana uusan sheegin inuu baaritaan dheeraad ah ku samaynayo weerarkaasi. Ilaa iyo haddana taliska AFRICOM ma aanu bedelin go’aankiisa ku aaddan kiiskaaskii ay u bandhigtay hay’adda Amnesty International.

Amnesty International ayaa weerarkii 18-ka Maarso ka waraysatay 11 qof oo si fool ka fool ah iyo qaabab kaleba ay ula xiriirtay, waxaana ka mid ah xubnaha qoysaska ragga la dilay, dadkii tegay goobta uu weerarka ka dhacay, shaqaale ka tirsan shirkadda Hormuud oo uu ka shaqeyn jiray mid kamid ah ragga dhintay.

Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeyn ku samaysay wararka warbaahinta, war saxaafadeedka dowladda Maraykanka, diiwaanka iibsiga gaariga, kaararka aqoonsiga rasmiga ah, diiwaanka dhakhtarka, muuqaallo caddeyn ah oo laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dhibbanayaasha.

Dhammaan dadka ay la hadashay hay’adda ayaa ku adkeysanayay in raggu aanay ka tirsanayn Al-Shabaab. Sidoo kale, ururka ayaan ehellada ragga la dilay ka horjoogsan inay aastaan meydadka, maadaama Al-Shabaab ay iyadu duugto dagaalyahannadeeda laga laayo.

Qaabka uu taliska AFRICOM uga hadlay weerarka iyo qoraallada ay is dhaafsadeen Amnesty International ayaa su’aalo badan gelinaya habka xog ururinta iyo beegsiga dadka uu ku tilmaamay inay “xiriir la leeyihiin” Al-Shabaab, taasoo meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Ugu yaraan dhowr iyo laabatan qof oo rayid ah oo la dilay ama la dhaawacay

Ilaa iyo haatan, Amnesty International waxay diiwaangelisay lix kiis oo la rumaysan yahay in duqeymaha cirka ee Maraykanka ay sababeen khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah – waxaa ku dhintay 17 qof, halka dhaawacana uu yahay sideed kale.

20-kii Maarso ee sanadkan, warbixin xasaasi ah oo ay hay’addu ka diyaarisay

Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya, ayaa lagu daabacay caddeymo badan oo ka dhan ah sheegashooyinka soo laalaabtay ee uu taliska AFRICOM ilaa xilligaasi ku sheegi jiray in weerarradiisa Soomaaliya aanay ka dhalan “wax khasaara ah oo soo gaaray rayidka.” Laba todobaad kadibna, 5-tii Abriil taliska AFRICOM ayaa qiray inuu markii ugu horreeysay dad rayid ah ku waxyeelleeyay Soomaaliya, isagoo sheegay in hawsha ay qabatay Amnesty International ay ku dhalisay inuu dib-u-eegis ku sameeyo xogta weerarradiisa. Lix bilood kadibna, talisku ma aanu soo bandhigin macluumaad ku aaddan halka ay marayso dib-u-eegistaasi.

Duqeymaha uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya ayaa sare u kacay horraantii 2017, kadib markii uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo uu ku shaaciyay in koonfurta dalka ay tahay “deegaan ay colaadi ka taagan tahay”. Wixii markaa ka dambeeyayna, taliska AFRICOM waxa uu adeegsaday diyaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo kuwa uu duuliyaha saaran yahay kuwaasoo ugu yaraan 131 duqeyn ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Weerarka ka dhacay Cabdow Dibile ayaa kamid ah 50 duqeyn oo uu milateriga Maraykanka qirtay inuu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan oo keliya (ilaa bartamaha Sebtembar). Duqeymahan ayaa ka badan guud ahaan kuwii dhacay sanadkii 2018 oo ahaa 47, iyo sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017 oo ahaa 34 duqeyn.

“Waa arrin kale oo cadaallad darro weyn ah – saddex nin oo rayid ah ayaa si xanuun badan u dhintay, iyadoo qoysaskooduna isweydiinayaan sababta uu milateriga Maraykanka u beegsaday oo uu dilay. Weerarkaasi waxa uu sidoo kale noqon karaa mid sharci darro ah, isla markaana su’aal gelin kata sida taliska AFRICOM uu ugu heellan yahay inuu fuliyo waajibaadka ka saaran sharciga caalamka,” ayuu yiri Brian Castner, oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan hubka iyo hawgallada milateri.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay “Dowladda Maraykanka waa inay xaaqiijiso in baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu sameeyo dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aaddan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah, magdhawna la siinayo dhibbanayaasha iyo dadka ka badbaaday weerarradaasi. Waxa ay ku billaabi kartaa inay samayso hannaan ay Soomaalida si badqabta ugu sheegi karaan khasaaraha rayidka ka soo gaara hawlgallada milateriga Maraykanka.”

Xog ku wajahan weriyayaasha

Fadlan hoos ka eeg macluumaad dheeraad ah iyo falanqeyn ku aaddan baaritaankan.
Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa warbixintii Maarso 2019 ay Amnesty International ka diyaarisay, Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya: Khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeymaha ka dhaca Shabeellaha hoose

Dukumiinti shaac baxsan
****************************************
Wixii faahfaahin dheeraad ah ama haddii aad doonayso waraysi ku saabsan warbixintan, fadlan la xiriir:

Xafiiska warfaafinta Amnesty International ee London, UK:

+44 20 7413 5566
email: press@amnesty.org
twitter: @amnestypress

MACLUUMAAD DHEERAAD AH IYO FALANQEYN

ABDOW DIBILE, 18 MAARSO 2019

Xilli casar ah 18-kii Maarso 2019, duqeyn uu Maraykanka fuliyay ayaa haleeshay gaari ay saarnaayeen saddex nin oo rayid ah oo marayay deegaanka Cabdow Dibile oo qiyaastii 5 kilomitir u jira magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Ragga gaariga saarnaa ayaa kala ahaa: Ibraahim Maxamed Xiirey oo ahaa 30 jir beeraley ah, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo ahaa 46 jir beeraley ah kana shaqeyn jiray shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud iyo nin ay isku aabbo yihiin oo lagu magacaabo Mahad Nuur Ibraahim oo 46 jir beeraley ahaa. Duqeynta ayaa burburisay gaariga, waxaana isla goobta ku naf waayay Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey. Mahad Nuur Ibraahim ayaa si xun ugu gubtay duqeynta waxaana loo qaaday cisbital ku yaal magaalada Muqdisho oo uu markii dambe ku dhintay. Taliska AFRICOM ayaa qirtay mas’uuliyadda weerarka, waxaana uu ku tilmaamay ragga dhintay “argagixiso” iyo “xubno daraja hoose ah oo ka tirsan Al-Shabaab”.

Waraysiyo iyo caddeymo kale oo ay ururisay Amnesty International ayaa muujinaya in saddexda nin ee gaariga saarnaa ay ahaayeen rayid oo aanay ka tirsanayn Al-Shabaab.

Baaritaanka ay Amnesty International ku samaysay duqeyntan ayaa waxa ay ku waraysatay 11 qof oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan qoysaska ragga la dilay, shaqaalaha shirkadda Hormuud iyo saddex qof oo tegay goobta uu weerarka ka dhacay. Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeyn ku samaysay wararka warbaahinta, war saxaafadeedka dowladda Maraykanka, diiwaanka dhakhtarka, diiwaanka iibsiga gaariga, kaararka aqoonsiga rasmiga ah, sawirro dayax gacmeedka lagu qaaday, muuqaallo caddeyn ah oo laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dhibbanayaasha.

Ururka Al-Shabaab ayaa ka taliya inta badan deegaannada Shabeellaha hoose oo ay ku jiraan tuulooyinka ku dhaw deegaanka Cabdow Dibile, inkastoo bilihii dambe ay ciidamada dowladda Soomaaliya dib u qabsadeen qeybo muhiim ah sida deegaannada Sabiid, Bariire iyo Awdheegle. Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Amnesty International, inkastoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay yimaadaan deegaannada ku dhaw Cabdow Dibile, hadda saldhig joogta ah kuma ay laha deegaankaasi.

18-kii Maarso 2019, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim, walaalkii Mahad Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa gaari cad oo Toyota Surf ah kasoo qaaday tuulada Muuri ee gobolka Shabeellaha hoose iyagoo ku socday deegaanka Cabdow Dibile. Sida caadiga ahba, waxa ay maalintaa booqdeen beerahooda ku yaal meel u dhaw tuulada Muuri, waxaana ay dib ugu soo laabanayeen guryahooda oo ku kala yaal Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne. Abaare 3-dii ilaa 4-tii galabnimo, gaarigooda oo qiyaastii 750 mitir dhanka waqooyi uga beegnaa deegaanka Cabdow Dibile ayaa waxaa ku dhacay gantaal laga soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay.

Nin saaxiib la ahaa Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo Muqdisho ku nool ayaa Amnesty International u sheegay in isla habeenka uu weerarka dhacay uu qof ay qaraabo yihiin Cabdiqaadir kusoo wargeliyay geeridiisa. Subixii xigay ayaa ninkaasi saaxiibka la ahaa Cabdiqaadir waxa uu ka tegay Muqdisho isagoo u safray deegaanka Cabdow Dibile. Abaare 8-dii aroornimo ayuu gaaray deegaanka, waxaana uu halkaa kula kulmay Mahad Nuur Ibraahim oo si xun ugu gubtay weerarka balse nool, gaarina loogu wado cisbitaalka. Amnesty International ayaa sidoo kale aragtay sawirro laga qaaday dhaawacaasi. Mahad Nuur Ibraahim ayaa saaxiibka u sheegay inay saddexdooda ay kasoo tageen beerahooda u dhaw tuulada Muuri markii la duqeeyay gaarigooda. Intaa kadibna Mahad Nuur Ibraahim waxaa loo qaaday cisbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo qiyaastii 30 kilomitir meesha u jiray. “Mahad waxa uu markii dambe u dhintay dhaawaciisa, isagoo ku geeriyooday cisbitaalka Muqdisho,” ayuu saaxibkaasi u sheegay Amnesty International. Sida ku cad diiwaanka dhakhtarka oo ay aragtay Amnesty International, Mahad Nuur Ibraahim ayaa geeriyooday 6-dii Abriil 2019. Diiwaanka ayaa lagu sheegay in sababta uu u dhintay ay ahayd wadnaha oo istaagay kadib markii uu in ka badan kala bar jirkiisa gubtay.

Saaxiibkaasi ayaa Amnesty International u sharraxay sida ay u ekeyd goobta ay duqeyntu ka dhacday markii uu halkaasi gaaray, iyo sida uu ku kala gartay meydadka labada ah ee meesha yaalay. Markii uu goobta gaaray, waxa uu arkay meydka Ibraahim Maxamed Xiirey oo inta cad-cad u googo’ay burburka gaariga ag yaalla kadib markii ay gudaha gaariga kasoo saareen dadka deegaanka. Amnesty International ayaa aragtay sawirro u muuqday inay muujinayaan madaxa Ibraahim oo gubtay iyo qeybta hore ee jirkiisa.

Ninkaasi iyo ehellada Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa labada meyd ku aasay Cabdow Dibile Talaadadii 19-ka Maarso.

Oday ka tirsan beesha Wadalaan Gorgaate, qaraabo fogna la ah Cabdiqaadir iyo Mahad Nuur Ibraahim ayaa sheegay in qoysaska raggaasi aanay wax taageero ah ka helin dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka kadib markii la dilay raggaasi.

“Ma jirto cid raaligelin na siisay ama nagala hadashay geerida raggaasi. Ka qoys ahaan waan isu tagnay markii ay raggaasi dhinteen, balse wax taageero ah uma aan awoodin qoysaskooda. Alle ayaan ku dhaafnay. Ma garanayno waxa dhacay ama sababta loo dilay, waxaa dhici karta in lagu khaldamay. Waxaan rabnaa inaan cadaalad helno, lana taageero qoysaska ay ka baxeen.”

Cabdiqaadir Nuur Ibraahim waxa uu dhalay sideed carruur ah. Waxa uu lahaa matoor korontada siiya tuulada Leego ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, beerna waxa uu ku lahaa meel u dhaw Muuri oo Afgooye ka tirsan. Sidoo kale waxa uu ahaa madaxa xafiiska Hormuud ee Leego. Mahad Nuur Ibraahim waxa uu ka tegay afar carruur ah. Ibraahim Maxamed Xiirey waxa uu ka dhintay todobo carruur ah. Beerta waxaa u dheeraa inuu qalabka beeraha ka kireyn jiray dadka, iyo raashin uu u kala safrin jiray Muqdisho iyo Muuri. Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa markii hore qoyskiisu deganaa tuulada Muuri, balse shan sano ka hor ayuu u qaxay Muqdisho maadaama ay deegaanka ku dagaallameen beelaha Biyamaal iyo Habargidir.

Amnesty International ayaa waraysatay xubnaha qoyska, deriska iyo asxaabta ay wada shaqeyn jireen saddexda nin, dhammaantoodna waxa ay si adag u sheegeen in raggaasi aanay wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab.

Dhammaan 11-ka qof ee ay waraysatay Amnesty International ayaa ku adkeystay in saddexda nin ay rayid ahaayeen. “Al-Shabaab ma uusan ahayn” ayuu sheegay qof qaraabo la ah Mahad Nuur Ibraahim, oo intaa raaciyay “Waxa uu lahaa gaari xamuul ah oo uu dhuxusha ku geeyo Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha ee Leego iyo Shabeellaha hoose, labadii sano ee la soo dhaafayna waxba badan ma uusan qaban jirin. Waxa uu doonnayay in walaalkii uu la maalgashto beeraha oo ay is caawiyaan, balse labaduba waxaa la dilay iyagoo beeraha kasoo laabtay.”

Oday ka tirsan beesha Habargidir, qaraabana la ah Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa xoojiyay qodobkaasi: “Waxaan qof kasta ka hor caddeyn karaa in Ibraahim uu ahaa nin rayid ah oo uusan Al-Shabaab ka tirsaneyn”. Waxaa ku waafaqay qof kale oo ay qaraabo yihiin: “Shacab ayuu ahaa, kama tirsanayn Al-Shabaab. Haddii uu ururkaasi ka tirsanaan lahaa kama uusan carareen dagaalkii u dhexeeyay Biyamaal iyo Habargidir. Barakacayaal ayaan ku ahayn Muqdisho, waxaana na caawin jiray Ibraahim. Ma garanayo sababta loo beegsaday. Gardarro cad ayay ahayd.”

Sida uu sheegay qof ka tirsan shaqaalaha Hormuud oo u warramay Amnesty International iyo weliba eheladda Cabdiqaadir Nuur Ibraahim, waxa uu shirkaddaasi u shaqeynayay muddo ka badan toban sano, xubinna kama uusan ahayn Al-Shabaab. Dadka yaqaanay raggaasi ayaa su’aal geliyay sababta loo laayay. “Garan maayo sababta loo beegsaday gaariga Abdiqaadir, balse waxaan filayaa inuu khalad dhacay,” ayuu yiri qof ay saaxiib ahaayeen. “Saddexda qof ee gaarigaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen beeraley ee ma aysan ahayn Al-Shabaab”.

Marka laga soo tago waraysiyada, waxaa jira caddeymo kale oo muujinaya in ragga la laayay ay rayid ahaayeen. Ururka Al-Shabaab u lama uusan dhaqmin raggaasi inay ka tirsanaayeen. Qoysaska raggaasi lagama horjoogsan inay qaataan meydadka, cisbitaalna geystaan kan dhaawaca noqday. Caddeymo ay Amnesty International ku ururisay baaritaannada ay ka samayso Soomaaliya ayaa si joogta ah u muujinaya in Al-Shabaab ay qaataan oo ay duugaan dagaalyahannada laga laayo, ka hor inta aanay dadka deegaanka u oggolaan inay ku laabtaan goobta uu weerarka ka dhacay. Waxaa intaa dheer in dhaawaca Mahad Nuur Ibraahim loo qaaday cisbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaasi oo ay dowladda maamusho si fududna ay ciidamadeeda su’aalo u weydiin kareen una xiri kareen ninkaasi dhaawaca ahaa.

War saxaafadeed la daabacay 19-kii Maarso 2019 ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku sheegay in maalintii ka horreysay ee 18-kii Maarso 2019 ay ciidamada Maraykanka fuliyeen duqeyn “lagu taageerayo dedaalka ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu jirto inay ku wiiqdo Al-Shabaabka ku sugan deegaanka Awdheegle” ee gobolka Shabeellaha hoose. Taliska ayaa sheegay in qiimeyntiisa ay muujinayso in saddex “argagixiso ah” lagu dilay duqeyntaas. Waxaa se war saxaafadeedka lagu xaqiijiyay “waxaan ognahay warar sheegaya in khasaaro uu dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeynta. Sida aan samayno marka ay wararka noocaasi na soo gaaraanba, taliska AFRICOM waxa uu dib u eegis ku samayn doonaa dhammaan xogta ku aaddan weerarkaasi, oo ay kamid tahay macluumaadka muhiimka ah ee ay na siiyaan dhinacyada saddexaad.”

Sida ay qortay warbaahinta, taliska AFRICOM waxaa bishii Mey 2019 la siiyay telefoonnada ay kala xiriiri karaan qoyska Ibraahim Maxamed Xiirey. Amnesty International ayaa fahansan in qoyskaasi aanay la soo xiriirin cid ka tirsan dowladda Maraykanka oo kala hadashay weerarka lagu dilay wiilkooda.

Amnesty International ayaa 29-kii Agoosto 2019 warqad faahfaahinaysa eedeymaha ah in saddexda nin ee weerarka lagu dilay ay rayid ahaayeen u dirtay taliska AFRICOM si ay jawaab uga hesho. Taliska ayaa soo jawaabay 18-kii Sebtembar 2019, waxaana uu yiri:

“Taliska AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa duqeyn bartilmaameed sax ah lagu hagay ka fulisay goobta iyo xilliga warqadan lagu xusay. Duqeynta waxaa lala beegsaday xubno daraja hoose ah oo ka tirsan Al-Shabaab si loo niyad jebiyo ururkaasi ka hor duulaanka ay qaadayeen ciidamada Soomaaliya. Inagoo raacnay hannaanka adag ee noo degsan, waxaan go’aansannay in taliska AFRICOM uusan sababin khasaaraha shacabka gaaray ee la sheegay inuu dhacay 18-kii Maarso 2019. Si gaar ahna, xogta la ururiyay ka hor iyo kadib duqeynta waxa ay muujinaysaa in dhammaan dadka halkaa lagu dilay ama lagu dhaawacay ay ka tirsanaayeen ama xiriir la lahaayeen Al-Shabaab. Ma jirto xog cusub ama dheeraad ah oo khilaafsan macluumaadkaasi.”

Jawaabta taliska ayaa sidoo kale lagu yiri:

“Ilaa iyo maanta, sheegashada soo gaartay taliska AFRICOM ayaa ah in darawalka gaariga oo keliya uu ahaa qof rayid ah, halka aanay jirin xog sheegaysa in labada qof ee kale ee gaariga saarnaa ay rayid ahaayeen. Iyadoo lagu salaynayo qaababka aan sharraxnay iyo xog sirdoon oo dhinacyo badan laga helay, ayaa taliska AFRICOM waxa uu si macquul ah ku go’aamiyay in gaariga iyo dadkii saarnaa ay Al-Shabaab ahaayeen ayna si muuqata u taageereen hawlgallada ururkaasi.”

Amnesty International ayaa sidoo kale 20-kii Sebtembar warqad taa lamid ah u dirtay dowladda Soomaaliya. Waqtiga la daabacayay warbixintan, ma jirin wax jawaab ah oo naga soo gaartay dowladda.

Caddeymaha ay kor ku sheegtay Amnesty International ayaa muujinaya in si kasta oo uu ula jeedkeedu ahaaba ay ciidamada Maraykanka ku guuldaraysteen inay qaadaan tallaabooyinka muhiimka u ah xaqiijinta inay beegsadaan dagaalyahanno si toos ah ugu lug leh colaadda ee aanay bartilmaameedsan dadka rayidka ah. Si khilaafsan qiimeynta uu sameeyay taliska AFRICOM, waxaa jirta caddeymo xooggan oo tilmaamaya in dadka dhintay ay ahaayeen rayid si sharci darro ah lagu laayay. In la qaadi waayo tallaabooyinka muhiimka u ah xaqiijinta in bartilaameedka uu yahay mid milateri ayaa qudheedu meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waxaana ay horseedi kartaa weerarro aan kala sooc lahayn. Weerarrada aan kala sooca lahayn ee ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan dadka rayidka ah ayaa qeyb ka noqon kara dembiyada dagaalka.

Tilmaanta uu u adeegsaday taliska AFRICOM dadka lagu laayay weerarkan ee ah “xubno ka tirsan ama xiriir la leh Al-Shabaab” ayaa walaaceeda leh. Sida faahfaahsan ee ay Amnesty International ku sheegtay warbixinteedii Maarso 2019, Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya: Khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeymaha ka dhaca Shabeellaha hoose milateriga Maraykanka ayaa umuuqda inuu qaab feker ballaaran ku dhisan ku salaynayo bartilmaameedkiisa. Sida ay sheegtay hay’adda Laanqeyrta Cas, waa inaan shakhsiyaadka looga shakiyay inay ka tirsan yihiin xooggaga hubaysan loo beegsan iyadoo lagu salaynayo “qiyaasta ah inay xiriir la leeyihiin ururkaasi, xiriirka qoyska, ama qaababka kale ee horseedi kara khaladaadka, meel u deyid la’aanta ama xadgudubka.” Jawaabta uu taliska AFRICOM siiyay Amnesty International ayaa tilmaamaysa in ciidamada Maraykanka ay suuragal tahay inay raggaasi ku bartilmaameedsadeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Waxaa sii dheer walaaca ay Amnesty International ka qabto qaabka aan loo meeldayin ee raggaasi lagu beegsaday iyadoo la qiyaasayo inay xubin ka yihiin Al-Shabaab tilmaanta ah in lagu bartilmaameedsaday fekerka aan caddeyn ee ah inay “xiriir” la leeyihiin ururkaasi. Waaxda gaashaandhigga Maraykanka oo mar hore ka jawaabaysay codsi uga yimid Amnesty International oo ah inay sharraxdo qaabka ay ku go’aamiso cidda xiriirka la leh Al-Shabaab ayaa sheegtay in taasi ay “caqabad ku noqonayso hannaanka sirdoon ee aan xogta ku helno”. Marka la eego waxyaabaha lagu ogaaday baaritaannada ay Amnesty International ku samaysay kiisas hore, waxaan cabsi ka qabnaa in kalmadda “xiriir la leh Al-Shabaab” ay milateriga Maraykanka u adeegsan karaan inay ku tilmaamaan dhammaan ragga gaaray da’da ciidanka ee sida nasiib darrada ah ugu sugan deegaannada ay joogaan dagaalyahannada lagu tuhmo inay Al-Shabaab yihiin marka uu duqeymaha fulinayo Maraykanka. Falalka noocaasi ah ayaa noqonaya kuwo sharciga khilaafsan, kana dhigan in la beegsanayo dad rayid ah oo aan si toos ah uga qeyb qaadaneyn colaadda.

Marka laga hadlayo colaadaha hubaysan ee aan caalamiga ahayn, keliya shakhsiyaaska sida tooska ah uga qeyb qaadanaya dagaalka ayaa si sharci ah loo beegsan karaa. Waxaa mamnuuc ah oo dembi dagaal noqonaya in si toos ah loo weerarro dadka rayidka ah am shakhsiyaadka rayidka ah ee aan sida tooska ah ugu lugta lahayn colaadda. Falanqeyn sharci oo dheeraad ah, gaar ahaan waxyaabaha ka midka ah in si toos ah looga qeyb qaato colaadda ayaa waxaa laga heli karaa cutubka afaraad ee warbixinta Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa jirta caddeyn xooggan oo su’aal lagu gelin karo “qaababka faahfaahsan” iyo “xogta sirdoon ee dhinacyada badan leh” ee uu milateriga Maraykanka u adeegsaday duqeyntan. War saxaafadeedka uu taliska AFRICOM soo saaray maalinta xigtay weerarka ayaa lagu sheegay in lagu dilay saddex qof. Balse xilligaasi dhimashadu waxay ahayd laba qof oo keliya, halks qofka saddexaadna uu qabay dhaawac culus oo markii dambe la geeyay cisbitalka Digfeer. Maraykanku ma uusan sixin khaladkaasi. Waxaa intaa dheer in haddii Maraykanka uu hubay in Mahad Nuur Ibraahim uu ka tirsanaa Al-Shabaab, ay jirtay fursad wanaagsan oo ay ku qaban kareen cisbitaalka lagu dawaynayay. Maadaama xogta Maraykanka uu baahiyay duqeynta kadib aysan si sax ah u sheegin tirada dadka dhintay iyo halka uu ku sugnaa dhibbanaha saddexaad, waxaa shaki la gelin karaa tayada xogtaas iyo ilaa xad inta la aamini karo in Maraykanka uu si sax ah u aqoonsado ama u kala saaro xubnaha Al-Shabaab.

Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay xaqiijiyaan in baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu sameeyo duqeyntan. Waa in sidoo kale ay xaqiijiyaan in cid kasta oo ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada lagula xisaabtamo, isla markaana magdhaw la siiyo qoysaska dhibbanayaasha iyo in la hirgeliyo hannaan waxtar leh oo lagu xaqiijinayo in si badqabta ay dadka u sheegi karaan khasaaraha rayidka kasoo gaara hawlagallada milateri.

Unsubscribe