Militeriga Itoobiya oo Gacanta ku dhigay Magaalada uu ku dhashay Hogaamiyaha Jabhada Tigray

Ciidamada dowladda waxay doonayaan inay maamulaan garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Tigray
 Ciidamada dowladda waxay doonayaan inay maamulaan garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Tigray

Ciidamada federaalka ee Itoobiya iyo xulufadooda ayaa gudaha u galay magaalada muhiimka ah ku taalla Tigray ee Shire-waa guul muhiim ah oo ay gaareen tan markii dagaalka dib uga bilowday halkaas bishii August kadib xabad joojin shan bilood socotay.

Ciidamada fallaagada Tigray ayaa arrintan ku tilmaamay tallaabo ‘kumeel gaar ah’, waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka.

Shire waa magaalo weyn oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 100,000 qof.

Magaaladan waxaa u dhaw magaalooyinka kale ee taarikhiga ah ee Axum iyo Adwa.

Markii uu dagaalka ka bilowday Tigray bishii November 2020-kii, magaalada waxaa kusoo qaxay kumanaan kun oo qof oo kasoo cararay dagaalka Tigray.